Safiirro reer Yurub ah oo ka hadlay mashruuca dhismaha waddada Dekedda Berbera ilaa Itoobiya

Hargeysa-(Berberanews)-Safiirka dawladda Holland u qaabilsan dalalka Kenya, Soomaaliya/Somaliland iyo Jasiirrada  Seychelles, fadhigiisuna yahay magaalada Nairobi Ambassador Joost Reintjes, ayaa shaaciyey xaddiga dhaqaale ee ku baxaya  dhismaha jidka isku xidhaya dekedda Berbera iyo waddanka Itoobiya (Berbera Corridor).

berbera-to-Addis-Ababa

Safiirka ayaa bogga uu ku leeyahay Twitter-ka ee internet-ka ku faafiyey, in injineer u dhashay Holland uu iftiimiyey lacagta ku baxay jidka isku xidhaya Dekedda Berbera iyo Itoobiya, isagoo sidoo kale caddeeyey muddada dhismaha mashruucaasi qaadanayo.

“Injineer reer Holland ah (Dutch) ayaa sheegay in lacag dhan €220 milyan oo Euro (lacagta reer Yurub), una dhiganta ($274,582,000 (laba boqol, afar iyo toddobaatan milyan, shan boqol, laba iyo siddeetan kun) oo doollar ku baxayso dhismaha, iyadoo jidkaas lagu dhammaystiri karo ilaa 20 sanno,” ayuu Safiirka Holland ee dalka Kenya ku yidhi qoraalkiisa oo Jamhuuriya helay xalay.

Ambassador Joost Reintjes iyo maareeyaha Dekedda Berbera oo wada taagan

Dhinaca kale, Ambassador Joost Reintjes oo hore safar shaqo ku yimi Somaliland, ayaa Dekedda Berbera ku tagay kormeer indho-indhayn ah 16 April 2014, isagoo arkay baahida taal ee u muuqata in maalgelin lagu sameeyo si loo ballaadhiyo, loona casriyeeyo, waxaannu xilligaas sheegay in laga shaqayn doono sidii loo dhammaystiri lahaa dhismaha kaabayaasha dhaqaale oo ay ku jirto waddada isku xidha Berbera iyo Itoobiya.

Sidoo kale, Safiirka dawladda Denmark u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Aagaard Anderson oo hadal ka jeediyey shir Hargeysa ka dhacay toddobaadkan, ayaa caddeeyey in Midowga Yurub iyo Urur-goboleedka IGAD iska kaashan doonaan mashruuca dhismaha jidka Dekedda Berbera ilaa Itoobiya (Berbera Corridor).

“Midowga Yurub iyo Urur-goboleedka IGAD si isku mid ah waxaannu halkan hore uga sii soconaynaa horumarka abuuridda dhismaha jidka Berbera iyo Itoobiya (Berbera Corridor). Jidka Berbera waa mid aad iyo aad muhiim ugu ah isu-socodka gaadiidka oo dacalka ku haya mid ka mid ah jidadka maraakiibta ee ugu muhiimsan adduunyada – Gacanka Cadan iyo badda qotada dheer ee Berbera,” ayuu yidhi Ambassador Aagaard Anderson.

Ambassador Aagaard Anderson

Dawladaha Itoobiya iyo Somaliland, ayaa codsiyo kala duwan hore ugu diray dalalka Midowga Yurub, kaasoo ay ku doonayaan in maalgashi lagu sameeyo dhismaha jidka Berbera iyo Itoobiya si ay ugu fududaato Itoobiya isticmaalka Dekedda Berbera, sidoo kalena faa’iido dhaqaale ka soo galo Somaliland.

Ma cadda in kharashka la shaaciyey uu ku baxayo dhismaha jidka Berbera ilaa Wajaale oo ah xadka Itoobiya, dhererkiisuna yahay 241km iyo in casriyeynta waddadaas socon doonto  ilaa magaalada Addis Ababa oo dhererkeedu yahay 937km, balse waxa la sheegay in lagu hawlan yahay dhammaystirka mashruuca Berbera Corridor oo ah waddo isku xidhaysa dekedda Berbera iyo dalka Itoobiya.

Sources, Jamhuuriya