Siciid Sulub Oo Ka Hadlay Eedo Looga Jeediyay Hadal Uu Hore U Yidhi

Hargeysa (Berbera news) Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud ee Xukumaddii Rayaale Siciid Sulub Maxamed, isla-markaana ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa sheegay inaanay jirin Siyaasad lagu xumaynayo Degaanka Koonfurta Hargeysa(Beesha Ciidagale),balse uu u hadlay si qaran,Wasiir Qarana la hadlay.
 
Siciid Sulub ayaa dhawaan Eedaymo u jeediyay Wasiirka Duulista,isagoo dhaliilay Gurigii Wasaaradda Duulista ee Suuqa inuu Maxamuud Xaashi ku Iibiyay Lacag badan islamarkaana Lacag yar ku dhisay ka Madaarka laga duldhisay,wuxuu hadalkiisa ku sheegay in Xisbiga Waddani haddii uu talada qabto Dhismaha Madaarka u dayn doono Maamulka Madaarka wasaaraddana ka dhisi doono Suuqa ama meelaha Wasaaradduhu ka dhisan yihiin.
 
Madaxdhaqameed hadalkaasi tixraacaya ayaa shalay sheegay in Xisbiga Waddani halkaasi ka jawaabo,iyagoo ka dhigay in Xisbiga waddani ka masayrsan yahay Wasaaradda laga dhisay degaankooda.
 
Siciid Sulub oo hadalkiisa Fasariya ayaa yidhi “Hadalkii Aan Anigu idhi Waa Uu Caddaa.   Waxa Aan Dadba Socday Weerar Aniga Iyo Xukuumadii Aan Ka Midka Ahaa Ee UDUB Uga Yimid Wasiirka Wasaaradda Duulista Iyo Hawada Somaliland. Wareerkii Aniga Oo Ka Jawaabaya Waxaan Is Bar Bar Dhigay Guriga Uu Masalaha Ka Dhisay Iyo Guriga Uu Iibiyey Qiimaha Ay Kala Lahaayeen Dhaqaale Ahaan.
 
Xikmadda Meesha Ku Jirtaana Waxay Aheyd, Hadii Guriga Laga Maarmay Oo La Yidhi Waa La Iibinaya In Aan Hadana Dib Loo Kiraysan Muddo Afar Sano Ku Dhaw Oo Dhaqaalihii La Siistay Dib Ugu Noqon Isla Markaana Guriga Masalaha Laga Dhisay Uu Yeesho Qiimihii Guriga La iibiiyey Oo $800,000 (Sideed Boqol Oo Kun) La Siiyey Halka Kan La Dhisayna Lagu Sheegayo $100.000(Boqol Kun) Dadka Qaarna Ay Ku Sheegayaan 150.000(Boqol Iyo Kontan Kun)” ayuu yidhi Wasiirka hore ee Hawlaha guud
 
Siciid Sulub Maxamed Waxa uu sheegay in sida uu u hadlay ahayd si qaran,Wasiir qarana uu la hadlay balse aanay qurux badnayn in arinta la reereeyo “Qaab Qaran Ayaan U Hadlay Oo Wasiir Qaran Ayaan La Hadlay Anigana Laygula Hadlay, In La Reereeyo Oo Wasiiradu Reeraha Dhaq Dhaqajiyaan Oo Qaab Reeraysan Laysigu Jawaabo Dhaqan Wanagsan Ma Ah, Anaguna Xisbi Ahaan Waanu Ka Hor Tagnay Cidii u Jawaabi Laheyd ”
 
Siciid Sulub oo tixraacaya hadal Nuxurkiisu ahaa in Xisbiga Waddani ka jawaabo Ereyada Siciid Sulub haddii kalena uu waayi doono Kalsoonida Bulshada Koonfurta Bari ee Hargeysa,waxa uu sheegay inaan Xisbiga waddani dan gaar ah iyo siyaasad gaar ah oo ku xumayn ah u lahayn Bulshada degaankaasi
 
“Xisbigu Siyaaada Uu Ka Leeyhay Koonfurta Hargaysa Oo Wax Lagu Xumaynaayo Sida Ay Wax U Shegayaan Ma jirto. Koonfurta Magalada Hargaysana Aniga Iyo Afhayeenka Xisbiga Oo Is Ag Fadhina Iminkan Dee Waxaan U Malaynayaa In Aanay Cidi Naga Laheyn   Xumaanta La Xumeeyana Waa Xumaantayada Ujeedada Laga Hadlayeyna Sidaas Ayey Aheyd Hadal Laba Nin Oo Wasiir Hore Ah Iyo Mid Iminka Wasiir Ah Is Yidhaadeen Uun Bay Aheyd In Salaadin Dhaqan Na Soo Kala Dhex Galaan May Aheyn Lakiin Dhinac Waa Caadi Oo Anigu Maan Caban Balse Hadii Uu Wasiirkii Kale   Cawday Oo Aad U Garteen In uu Masalahana Degan Yahay Ee U Hiiliya Waxaba Kama Qabo Lakiin Wax Run Ah Ayaa Lagu Kala Hiiliyaa” Ayuu Yidhi Siciid Sulub.
 
 
Berbera news/Hargeysa