Maxaabiis la laayay

BBC-Illaa 18 qof oo ay xidheen ciidamada Nigeria ayaa la helay iyagoo mayd ah, saacado kaddib markii loo qaaday xabsi ku yaalla waqooyi bari ee dalkaasi, sidaasi waxaa sheegay dadka ku nool magaalo lagu magacaabo Potiskum.

Dhammaam maydadka waxaa ku yaallay jidhkooda Rasaas lagu dhuftay iyo dhaawacyo middi, ayey yidhaahdeen dadkaasi.

Ragga “la laayay” ayaa lagu eedeeyay inay xubno ka yihiin kooxda islaamiga ah ee Boko Xaraam.

Militeriga dalka Nigeria ayaa diiday oo iska fogeeyay ku lug lahaanshaha dilka, waxayna shaaca ka qaadeen inay siidaayeen in ka badan 40 qof oo looga shakiyay inay xagjiriinta ka mid yihiin.

maxaabiis ladilay

Laba qof oo dadka deegaanka ka mid ah ayaa BBC-da u sheegay inay xaqiijiyeen 18 ka qof ee la dilay.

Waxayna tilmaameen in ragga oo dhan la xiray maalintii arbacada, xilli ay militeriga halkaasi ka sameeyeen howlgallo.

Kalkaaliye caafimaad oo arkay maydadka ayaa AFP ay ka soo xigatay asigoo sheegaya in maydadka ay halkaasi geeyeen ciidamada.

Wakaaladda ayaa sidoo kale tilmaamtay in dadka halkaasi deggan ay aamisan yihiin in sababta dadka loo dilay ay tahay inay ka soo jeedaan qowmiyadda Kanuri, oo ah dadka ugu badan ee Boko Xaraam kujira.