Mooshin Ka Dhan Ah Raysal-wasaaraha Somalia Oo Baarlamaanka La Keenay

Hargeysa (Berbera news) Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Shirguddoonka Baaamaanka uu gudbiyay Mooshin ka dhan ah Raysal-wasaaraha Somalia Cabdi-wali Sheekh Axmed, kaas oo Kalsoonida lagagala noqonayo.

 

 Daahir Amiin Jeesow ayaa BBC-da u sheegay in mooshinka lagu caddeeyey eedeymaha ka dhanka ah ra’iisalwasaaraha. Waxa la sheegay in xildhibaanada Mooshinka saxeexay ka badan yihiin Boqol mudane

 

Arrintan ayaa ku soo beegmeyso iyadoo uu jira khilaaf u dhexeeya madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisalwasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

 RW-abdi-weli

Waa ra’iisalwasaarihii labaad ee laga keeno mooshin tan iyo markii la soo doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaqada ka eryay Ra’iisalwasaarihii ka horreeyey Cabdiweli, Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, bishii December ee sanadkii tegay ee 2013-ka.

 

 

 

Berbera news/Hargeysa