Shiinaha iyo Japan oo ka heshiinaya loollanka Jaziiradaha ay ku muransanyihiin

Shiinaha iyo Japan ayaa isku raacay wadahadal si ay u ogaadaan firqiga u dhexeeya ee ku saabsan murka la xiriira Jasiiradaha silsiladda ah, tallaabadan ayaa la doonayaa in lagu xalliyo xiisadda ka taagan gobolka.

Muranka la xidhiidha dhulka dhanka bariga badda Shiinaha, oo gudaha dalka Shiinaha looga yaqaano “ jasiiradaha Diaoyu”, dhanka Japan na looga garanaayo “Senkaku” – ayaa aad u xumeeyay xiriirka labada dal ee ugu dhaqaalaha badan qaaradda Aasiya.

Heshiiska waxaa ka mid ah, Shiinaha iyo Japan waxa ay si cad u doonayaan in la demiyo xamaasadda noqotay tan ugu sareysa gobolka oo dhan.

china_japan

Sida ay sheegtay xukuumadda Beijing, labada dal waxay ku heshiiyeen in la billaabo farsamo lagu xallinayo qilaafaadka, si looga hortago in xaaladda ay sii xumaato.

Khilaafka jasiiradaha ayaa xittaa abuuray shucuur qarannimo oo labada dal ka jirto, waxayna dhaawacday xiriirada dhaqaalaha.

Warbaahinta Japan ayaa baahisay in madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping uu la kulmi doono ra’iisul wasaaraha Japan, Shinzo Abe, oo ka qeybgalaya shirka APEC ee isbuuca soo socda ka furmaya Beijing.

Haddii kullankaasi uu dhaco, waxay noqoneysaa markii ugu horeyso oo labada hogaamiye ay kulmaan tani iyo markii ay noqdeen hogaamiyayaal.