Somalia iyo Imaaraadka Carabta oo kala saxeexday Heshiis Milateri

Dubai(Berberanews):- Dawladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, ayaa heshiis laba geesood ah oo ku saabsan iskaashiga dhinacyada Millateriga iyo horumarinta Amniga ku kala saxeexday magaalada Dubay ee xarunta Imaaraadka Carabta xalay oo Jimce ahayd.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo Safar shaqo ku jooga Magaalada Dubay ee dalka Imaaraadka Carabta, ayaa kulan la qatay Wasiirka arrimaha dibedda Dawladda Imaaradka Sheekh Cabadalla Bin Zayid Al-Nahyaan habeenimadi Jimcaha ee xalay oo ku beegnayd lixda bishan November.isk isk2

Wasiirka Gaashaanshigga Soomaaliya, ayaa warbixin ka siiyay Wasiirka arrimaha dibedda Imaaraadka Carabta xaaladda dalka Soomaaliya uu marayo ee dhinaca Siyaasadda, Nabadgelyada, Hormarka socda iyo dib uga soo kabashada Sameynta Colaadahii ka jiriay Soomaaliya 24-kii sano ee u dambeeyey, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa uga maghad-celiye Dawladda Imaaraadka taageerada joogtada ah ee ay la garab-taagan tahay mar kasta Soomaaliya.

Labada Wasiir ayaa ka wadahadlay xidhiidhka u dhaxeeya labada dawladood iyo sidii loo sii xoojin lahaa. Waxaanay is-faham wadahadal saacado qaatay ka dib ay isla gaadheen wada saxeexdeen hishiis iskaashi oo xagga Gaashaandhigga ah oo ay wada saxeexeen labada Wasiir.

Kulanka waxaa goob-joog ka ahaa dhanka dawlada Imaaraadka Carabta Kalaiyaha Wasiirka arrimaha dibedda Faaris Al Mazruuci, dhanka Soomaoliya waxaa wehliyey Wasiirka Gaashaandhigga Safiirka Soomaaliya u fadhiya Imaaraadka Carabta Cabdiqaadir Sheekh Maxamed.