TALO SOO JEEDIN KU SOCOTA MADAXDHAQAMEEDKA REER HARGEYSA

Waxaan halkan talo soojeedin ka siinayaa madaxdhaqameed kamid ah kuwa degan Hargeysa, oo beryahan danbe caado ka dhigtey inay marwalba xaal aan la aqoon wuxuu yahay ay bixiyaan, marna ay cid kale duraan ama wax ka sheegaan. Inta badana siyaasada ayey dhex dabaalanayaan.

SiyaadADigaalWaxaad arkaysaa nin siyaasi ah oo xisbi ka dhex hadlay oo nin caaqil ama suldaan sheeganayaa uu TVga u soo fadhiisanayo, oo uu leeyahay haddanu reer hebel nahay xisbigaasi waanu ka fiirsanaynaa. Waar codka idinku ma bixisaan, ee walaalayaal yaan sidii kaadhkii lagu shubanayey oo kale aan magaciina la isticmaalin. Walaalayaal waa inaad dhawrtaan milgaha caasimada iyo buqcadan sharafta leh, waayo waa caasimadii waana muraayadii dalka. In habeen walba warka ka soobaxayaa uu Hargeysa noqdo mid qabyaalad ah, waxay dhaawacaysaa sumcadii magaalada iyo xitaa beelaha aad sheeganaysaan. Marka nin siyaasi ah oo hadal yidhi aad ujawaabayso ee aad cambaaraynayso ama dadweyne hadlaya aad xaalbaan ka bixinay wixii ay lahaayeen aad tidhaahdaan, taasi waxay muujinaysaa inaydaan xoriyadiina iyo damiirkiina ku hadleynin ee wax kale idinka yeedhsiinayaan.

Meeshan caasimada ah, odayaasheenii hore ee aasaasay iyo culimadii inoo bud-dhigtey, waxan oo kale inoogumay talogelin, umada oo dhan baa la isugu yeedhi jiray oo kuwada dhaqnayd, ha inaga masaxina sumcada iyo magaca aynu leenahay reer Hargeysa ahaan, oo ha inaga dhigina kuwo meeqaam hoose ka hadla. Ninka siyaasiga ee hadley, ee aad u jawaabaysaa arimo dhaqan kamuu hadal. Caaqilku inuu magta soo guro ayaa laga rabaa ee inuu bulshada kala fogeeyo lagama rabo. Suldaanku inuu sidii siidhiwalaha uu kolba cid u afuufo maaha, waa inuu dhaqankii saldanada uu ku abtirsanayo uu ka turjumaa, oo haddii ay dhaqankaasi fiicnaa isaga waa in laga arkaa. Bulshadana waxaan odhan lahaa yaan la idin kala qoqobin, oo baabkan qabyaalada ah ee maalmahan la inoo furay, yaan lagu dhex milmin. Dawladuna waxay kadheefayso garan maayo, oo TVga ay maamusho ee ay habeen walba kasoo galayaan kuwaasi, aan cidna metalin ee magacii cuqaasha iyo salaadiinta dhaawacaya ay kasoo deynayso. In xukuumadu ay ka joojiso saxaafada ay maamusho weeyaan, oo la arko inay diidan tahay qabyaalad ku hadalka. Haddiise ay u oggolaato saxaafadii ay maamulaysey, waxa taas macnaheedu yahay inay raali ka tahay ama iyadu ay wado waxa socda. Bulshada reer Hargeysa ku abtirsata ee suuban haddii aanu nahay raali kama nihin in naladhaqan dooriyo. Oo kolba wax aan milgihiisii garanayn TVyada naloo soo fadhiisiyo oo ay xaalbaanu bixinay iyo siyaasigaasi xaafadayaduu waxka sheegay miidhan uun laga hadlo, waa khasaare aad u xun. Kuwa sidaas u hadlayana, adeer dhowrsada oo magaalada sharafteedii meel hakaga dhicina baan leeyahay. Oo ka waantooba dadweyne dan ka hadlaya oo aad waa reer hebel iyo xaalbaanu ka bixinayda ka daaya. Siyaasiyiinta xisbiyada ka hadleysay ee wasiir dhaliishayna idinku wasiirada afhayeen uma ihidine, magaca magaalada iyo kabeelaha ku dhaqan iyo ka bulshoweynta ku dhexnoolba dhowra. Hadalada aad ku hadleysaan ee xaafad baanu u hadleynaa iyo horumarinta reer hebel aad TVyada la soo fadhiisanaysaan, caqligayagaad caayeysaane naga daaya nama qabatee, oo beelaha aad u hadleysaan wixii ay idiin igmadeen u qabta, xisbiyo la idiinma diran. Xaafadaha iyo magaaladana umada idinka badan baa ku dhaqan idinku malihidin. Culimadii iyo odayaashii qiimaha lahaa ee inoo aasaasay sidan ugumay talo gelin. Aynu isku duubnideena iyo danteena bulsho ahaan u wada ilaashano oo isaga nimaadno wixii la tabanayo, ee yaan TVyada la iska cambaareyn, danta laga hadleyna xaalbaan kabixiyey la iska daba odhanin. Ilbaxnimadii iyo sharaftii la inagu yaqaanay aynu soo celino. Kana waantowno is cambaaraynta aan qiimaha lahayn.

ILAAHAY KHEYRKA HA INA WAAFAJIYO

QALINKII SIYAAD CABDILAAHI DIGAALE

HARGEYSA, SOMALILAND