Xildhibaan Qabile oo ka hadlay weerarkii lagu qaaday dhismaha maxjarka,Duruufaha Berbera iyo arrimo kale

Berbera-(Berberanews)-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ee gobolka Saaxil laga soo doorto, ayaa Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyey masuuliyadda iska hor-imaad Isniintii inna dhaaftay ka dhacay magaalada Berbera, ka dib markii ay Koox Shirkadda Ganacsiga Indha-deero abaabushay weerareen Rag gacanta ku hayey dhismaha Maxjar saddexaad oo dhismihiisa laga bilaabay Beriga Berbera.

Maxjarkan oo ay Ganacsatada Xoolaha dhoofisa ee reer Somaliland iska-kaashanayaan dhismihiisa, ayaa Maxjarka Indha-deero oo ah Maxjarkii labaad ee laga dhiso magaalada Berbera waxay duullaan ku qaadeen Kooxda dhisaysay Maxjarka cusub oo xayndaabkiisa la bilaabay

Md. Maxamed Faarax Qabille oo waraysi Siiyey Weriyaha Berbera u jooga Kalsan TV Axmed Siciid Maxam, waxa kale oo uu ka hadlay Askarta ilaalada u ah Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde oo faro-saaray Xildhibaanno ka tirsan Golaha Deegaanka Berbera, waxaanu sheegay inay Golaha Wakiillada ka keenayaan Mooshin ay ugu yeedhayaan Wasiirka arrimaha gudaha, Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee arrimaha gudaha iyo Taliyaha Booliska Somaliland si ay arrintaas iyo siday ku dhacday wax uga weydiiyaan.

Xildhibaan Qabille oo arrimahaas iyo kuwo kaleba ka hadlaya waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Warbixinta Warkiisa oo dhammaystiran Muuqaalkan hoose ee Daawasho Wacan:-