“Dhalinyarada wixii dembi sameeya waa la xidhayaa, horena waa loo xidhi jiray”Ramaax

Ceerigaabo(Berberanews):- Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa Wargeyska Himilo uga warramay dilal ka dhacay deegaanno gobolka ka tirsan, qaabka ay u dhaceen, cidda loo qabtay iyo sidoo kale dad lagu xidh-xidhay degmada Gar-adag oo ay socdaal ku joogaan isaga iyo Wefti uu hoggaaminayo oo shalay soo gaadhay magaaladaas.

Guddoomiye Ramaax oo isaga oo ku sugan degmada Gar-adag ee gobolka Sanaag Khadka Taleefanka ugu warramay Xalay Wargeyska Himilo, ayaa sheegay inay kulammo kala duwan yeesheen Odayaasha, Maamulka, Xildhibaannada Golaha Deegaanka iyo Wax-garadka Degmadaas oo ay ka wadahadleen arrimo kala duwan. Sidoo kalena dhawr qof lagu xidhay magaaladaas, kuwaasoo uu xusay inaanay ahayn dad si gaar ah loo xidh-xidhay ama arrin siyaasadeed loo xidh-xidhay, balse ay yihiin dad dembiyo galay.

“Illaahay mahaddii xaaladda gobolku way fiican tahay, nabadgelyadu aad iyo aad bay u fiican tahay. Way jiraan dilal iska dhacdhaca oo runtii gobolku waa gobol ballaadhan oo dad badani deggan yahay, markaa way jiraan dad la dilay, Maalin dhawayd mid yar baa mid feedhay oo aan ahayn ula kas ee Arday iskuul ka soo rawaxay ahaa labadooduba, Ardaygii Ardayga kale feedhay wuu dhintay amarka Illaahay. Laba Geel-jire ah oo Geel wada raacay oo toorri isku dhuftay iyagoo lagdamaaya oo weliba dhalinyar ah baa iyaguna jira oo mid dhintay. Labadii dhintay mooyee labada kale waa la qabtay, dilalkana dhawr nooc baa loo kala qaadaa, markaa weli xallintoodii lama gelin. Dilalkuna waa dilal aan ula kac ahayn ee Allaah keenay oo Maqaaddiir ku yimi.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Ramaax.

ramaax

Mar la weydiiyey ujeeddada socdaal uu Gar-adag ku yimi Guddoomiyaha gobolka Sanaag iyo Xubno la socdaa ku yimaaddeen Gar-adag shalay ahaan, waxa uu yidhi; “Caawa (xalay) Gar-adag baan joogaa, toddobaadkii horena waan joogay-ba, waana degmooyinka ugu ballaadhan ee gobolku leeyahay, dilalka aan kuu sheegayo mid baa ka dhacay Gar-adag, markaa hawlahaa nabadgelyada ayuun baan u joogaa. Had iyo jeer markaan meelahaa u baxayo Garsoorka iyo Taliyaha qaybtaba waannu is-raacnaa maaddaama oo uu gobolku kala fog yahay si hawlaha jira loo wada fuliyo, markaa waannu is-raacnaa, ama ha noqoto Maxkamadda, ama ha noqoto Maxkamadda Racfaanka iyo Taliyaha Qaybta Booliska-ba waannu is-raacnaa.”

Ramaax oo ka jawaabayey su’aal aannu ka weydiinnay waxa ka jira Dhalinyaro tiro badan oo la sheegay in lagu xidh-xidhay Gar-adag iyo sababta loo xidh-xidhay, waxa uu yidhi; “Dhalinyarada wixii dembi sameeya waa la xidhayaa, horena waa loo xidhi jiray, waana la xidhayaa, halkan oo keliya maaha ee Ceerigaabo ayaa lagu xidhaa, Maydh baa lagu xidhaa, Degmooyinka kale ee gobolku ka kooban yahay baa lagu xidhaa, halkan baa lagu xidhaa.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo ka jawaabayey su’aal aannu ka weydiinnay inay jiraan Dhalinyaro loo xidh-xidhay inay Calanka Kulmiye gubeen iyo inay Xisbigaas ka baxeen, waxa uu yidhi; “Wax hawlahaas ku xidhani ma jiro, wax hawlo nabadgelyo ah mooyaane horta calan la gubay ma jiro meeshan (Gar-adag) oo anigu aan ogahay. Hase-yeeshee, way jiraan Dembiilayaal la xidhay oo laba ah. Had iyo jeeraalana Boolisku waxay u xil-saaran yihiin inay qabtaan cid kasta oo dembiile ah ama falal samaysa, laakiin cid gaar ah oo si gaar ah loo xidhay ma jirto. Dacaayaddu way iska jirtaa oo xalay (habeen-hore) ayaan TV-ga ka maqlayey Inan Weriye ah baa la xidhay, waxbana kama jiraan Gabadh Weriye ah oo Gar-adag lagu xidhayna maba jirtaba.”

Mar uu Badhasaabka gobolka Sanaag Mr. Ramaax ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey cidda ay Gar-adag kala kulmeen isaga iyo Weftigiisu waxa uu yidhi; “Cuqaashii baannu la kulannay, Odayaashii Magaalada, Maamulkii iyo Xildhibaannada Golaha deegaanka, illaa berrina (maanta) waan joogayaa. Kulammadaa waxa ka soo baxay Cabashooyin ay noo soo jeediyeen oo la xidhiidhay xagga nabadgelyada in gacan laga siiyo. Waxaan kuu sheegay in Nnin lagu dilay Gar-adag lafteeda oo ninkii wax dilayna uu baxsaday oo lagu sheegayo Maamul-goboleedka Puntland ee Soomaalida inuu galay. Waanad garan kartaa Nin wax dilay oo Hubaysan Ciidan Boolis ah oo ka badan baa qaban kara, inkasta oo lagu raad-joogo.”

Gebo-gabadii oo Guddoomiye Ramaax la weydiiyey waxa ka jira khilaafyo gudaha magaalada ka jira oo qayb ka ah ujeedka socdaalkiisa Gar-adag, waxa uu ku jawaabay; “Wax khilaaf ah waxa jira Dugsiga Sare ee Degmada oo furmi waayey muddo bil ah, taasna waannu xallinnay, sababta uu u xidhnaana waxay ahayd Maamulka iyo Macallimiinta oo is-haystay, taasna waannu dhammaynay, waxa jiray laba Macallin oo la xidhay, Macallimiintaasna waa la siiddaayey, Wasaaradduna way ka beddeshay deegaanka oo midkood Ceerigaabo ayaa loo beddelay.”

Xigasho Wargeyska Himilo.