Fadhigii Golaha Wakiiladda Oo Dib U Dhacay Iyo Khilaafkii Oo Weli-taagan

Hargeysa (Berbera news) Maanta oo sabti ah ayaa waxa qorshaysnayad inuu dib u furmo Fadhigii Golaha Wakiiladda, kadib markii ay Mudanayaashu soo dhamaysteen Fasaxoodii caadiga ahaa , hase yeeshee Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa warbaahinta u sheegay in Todobaadka soo-socda uu dib u furmo Goluhu.
 
 
 
 
 
 
Mudanayasha Golaha Wakiiladda ayaa muddooyinkii u dambeeyay uu ka dhex taagnaa is maan dhaaf salka ku hayay Xeerka Diwaangelinta Madaniga ah, kaas oo ay si weyn ugu kala qaybasameen Xldhibaanadda Mucaaridka ah iyo kuwa Mucaafidka, isla-markaana hore u baajiyay fadhi aan caadi ahayn oo Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu ku baaqay, iyadda oo dib u dhacan ku yimi fadhigan uu la xidhiidho khilaafkaasi oo laga dhur sugayaa waxa uu ku dhamaado Tododobaadka soo socda.
 
 
Halkan ka daawo.
 
 
 

 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa