Ganacsatada Maxjarka Saddexaad ka wadda Berbera Oo ka jawaabay Eedo Maamulka Indho-deero u soo jeediyeen

Hargeysa(Berberanews)-Ganacsatada Xoolaha ee Maxjarka cusub  ka bineeyeen cidhifka Bari ee Magaalada Berbera ayaa, si adag uga jawaabay dhaliilo uu usoo jeediyay Maamulaha Guud ee Shirkada Indha-Deero kuwaas oo daadafeeyay eedaymaha uu ujeedinayay iyo Shuruucda uu ka hadley in uu gacantiisa ku hayo.
 
Ganacsatdaasi oo Shir Jaraa,id ku qabtey Magaalada Hargeysa  qaar ka mid ah  iyagu dhisanaayey maxjarka cusub ee magaalada Barbera ee uu khilaafka adagi ka dhex taaganaa iyaga iyo maamulka shirkada Indha-deero oo habeenkii xalay ahaa ganacsatadan ku eedeeyey in ay si sharci darro ah ay u leexasadeen qalabka lagu dhisaayo Maxjarkaasi,ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalkaasi ka soo yeedhay maamulaha shirkada Indha-deero,waxaana ay sheegeen in ay iyagu iska leeyihiin qalabkaasi oo ahbaa
Ugu horeyna waxaa halkaasi ka hadlay Md:Cabdiwahaab Cige Axmed,waxaana uu faah faahin ka bixiyey u jeedada ay u qabteen shirkan jiraa’id:”Shirkan jaraa’id ee aanu maanta qabanaynaa waxaa uu ku saabsan yahay jawaab aanu ka bixinayno,hadal ka soo yeedhay shalay masuuliyiinta maxjarka loo yaqaano Indha-deero,kuwaas oo ahaa Abu-yaasir iyo sida oo kale Indha-deero,kaas oo ay kaga hadleen xiligan aynu joogno muddo todobo bilood ah biraha aanu ku wadno mashruuca ganacsatada xoolahu ay ka wadaan Barbera,ay yidhaahdeen birahaas waa nalaga soo xaday oo ah muddo todoba bilood gudahood ah,runtiina taas ayaa uu ku saabsan yahay shir ka yagan jaraa’id,waxaa la yaableh in ay xataa garan waayaan anaga oo ku tirinayna ganacsatada waawayn oo waa la wada hadli karaa laakiin in ay xataa dadka ay wax u sheegayaan ee ay warbaahinta u marinayaan ay ka fakeri waayaan in xataa ay dadku yihiin dad caqli leh.



 
Hadda muddo badan ayaa mashruucayagani uu socday,waxaana muddo hada laga joogo Saddex bilood ay nagu qabsadeen niman qaraabo ay yihiin Mustafe oo ay dhulkayagii dhul ka mid ah ay qabsadeen,ka dibna ay arrintaas raali galin ka bixiyeen mustafe iyo ragii kale ee hawshaas ay khusaysay ku waas oo sameeyey dacwad ka noqosho,taas oo u dhignayd in aanu wada hadal aanu samayno,muddo dheer ka dib-na haddii aanu wada-hadalkii aanu isku fahmi waynay,waxaa ay ku dhaqaaqeen in ay sameeyaan gacan ka hadal,taas oo ay la yimaadeen ciidan badan oo ciidan maleeshiyaad ah iyo gawaadhi badan oo runtii mashruucayagii u gaysatay khasaare badan iyo dhibaato se may dhicin dhaawacyo bina aadam se waxaa dhacay khasaare aad u fara badan.Haddab mudadaas ka dib markay taasi socon wayday ay hadana ay yidhahdeen waxaa nalaga soo xaday biraha meesha lagu wado”Ayuu yidhi Cabdiwahaab Cige Axmed.
ganacsato
 
Ganacsade Cabdi Cismaan Biindhe oo isna sida oo kale halkasi ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in ay dhacdadi ka dhacdy magaalada Barbera ay ahayd dhacdo ugub ku ah Jamhuuriyada Somaliland.”Maalintii shanaad dhacdadii ka dhacday dagmada magaalada Barbera,waxaa ay ahayd tii ugu horeysay ee maleeshiyo ay shirkadi leedahay oo hubaysani ay soo weerarto mashruuc ganacsi ama shirkad iyada oo arrimaha noocaas oo kale ah lagu sheegi jiray uun koonfurta Somaliya,laakiin Somaliland ay maanta kow u tahay,waxaan u sheegayaa dawlada reer Somaliland oo aan uga digaayo in ay arrintaas ay jidayn doonto suno xun iyo in cid kasta ay isku daydo in ay sharciga ku fushato gacantiisa,waxaanu mar labaad aanu u sheegaynaa ciidamada amaanka in aanu saluugsanahay ama sida ay u siicoto hawsha waxqabadkeeda”Ayuu yidhi Cabdiwahaab Cismaan Biindhe.
 
 
Yuusuf Cali Nuur oo isagu ahaan ninkii ay Mustafe Cabdi Cawad (Indha-deero) iyo ganacsadaha carbeed ay ku eedeeyeen in uu si sharci darro ah uu dakada magaalada Barbera uu uga leexsaday qalabka lagu dhisaayo Maxjarka magaalada Barbera ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadlakaasi waxaana uu yidhi isaga oo sharaxaaya hadalkaasi:”Xalay waxaa ay yidhaahdeen ninka la yidhaahdo Yuusuf Cali la yidhaahdo waxaa uu noo ahaa shaqaale,anigu waxaan u sheegayaa in aan muddo Sano ah aan ahaa wakiil markabeed(Agent),waxaan leeyahay xafiis caan ah oo la yaqaano oo la yidhaahdo Tawfiiq Agence,waxaanan boqolkiiba 35% aan wakiil u ahay maraakiibta dakada magaalada Barbera, waxaanan ahaan jiray shan iyo tobankii agent ee ugu horeeyey waagii Somaliya,waxaanan ahaa kabtanada iyo saraakiisha sar sare.Anigu allaabtan ay ka hadlayaan waxaa siday maraakiib caalami ah oo cadaymo leh,sifo sharci ahna waxaa ay u yimaadeen dakada magaalada Barbera sifo sharci ahna waa ay u soo dageen,dakada Barbera-na laguma foojariyeyn,si nadaam ah ayaa ay u soo baxeen allaataasina waa allaab aanu leenahay cadaymahayagana ku qoran,waxaase ceeb in nimanka tujarta ah ee reer Somaliland ahi ee gacma-dheer,Cali Nabaadiid,waa sitaar,cabdi biindhe,ina carab,waa illaa sodon nin oo tujaar ah markaa miyey yihiin rag Boqol-kun oo dollar xadi kara miyey yihiin,jawaabtu waa maya”
 
 
Cabdilaahi Carab isna halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu yidhi:”Dhacdadan runtii reer Somaliland waa ay ka dharagsanayd oo runtii horena umay dhicin waayo anagu waxaanu u tudhaynay shacabka reer Somaliland ama Xukuumada Somaliland hase ahaatee maanta waxaa nagu kalifay in aanu hadalno markii kii dambiilaha ahaa uu soo fadhiistay Tv-ga oo uu dadka wax aan jirin uu u sheegay ayaa nagu ka liftay in aanu hadalno oo dadka aanu u cadayno waxa aanu nahay.Runtii Somaliland waxaa ay ku soo caano maashay nabad,waxaa ay ku soo caano maashay in wax kasta oo yimaada sharciga lagu dhameeyo,koob iyo Labatan Sano ka hortow,halkii aynu joognay ayaa maanta ragii ganacsatada ahaa ee shirkadan leh ay ku celiyeen reer Somaliland,waxaan idin sheegaynaa anagu ganacsatada reer Somaliland oo dhan ayaanu ka koobanahay ee Lixda gobal ee reer Somaliland ina indha deero hadduu soo kaxaystay shirkadiisa ama in xidhiidh dhaw la leh anagu waxaanu ka koobanahay Lixda gobal ee Somaliland,hase ahaatee waxaa aanu u tudhaynay shacabka reer Somaliland”.
 
Ugu danbayntiin waxaa hadalka soo afmeeray ganacsade Cali Nabadiid oo isagu halkasi sheegay in ay aad uga xun yihiin in wali aan xukuumadu gacanta ku soo dhigin ninkii dabada ka abaabulaayey khasaarahii balaadhnaa ee ka dhashaybaa ay yidhaahdeen dhibaatadii ka dhacday Maxjarka Magaalada Hargeysa.”Waxa weeye dadki falkaa gaystay 10-gaadhi iyo 80-ciidana ayaa ay ahaayeen,oo ah maleeshiyo ay shirkada ganacsatada Indha-deero ay leedahay cid lagu eedaynaayo oo intaa ka fogna ma jirto,cid kale oo ka dambaysayna may jirin waxaa ay ahayeen shaqaalihii ka shaqayaanayey xafiiskiisa waan laga ranayaa,arrintaas xaga dawlada gaabis ayaanu ka dareesnahay,anagu hadaanan ganacsato aanan ahan lahayn dee arrintu si kale ayaa ay ahaan lahayd,waanu ka gurmanay oo dhinacayagii waanu xakamaynay isla markiiba,habeenkiiba falkii lagaga jawaabi lahaa si raganimo leh oo fiican ayaanu u dawayna,dadkayagii aanu ula hadalnay u joojinay,arrintaas dambigeedana waxaa ay dawladu noo balan qaaday in ay wax ka qabanayso,AJanabi ayaa ku jiray,rag carbeed ayaa ku jiray oo sawiro qaadayey,waxaa ku jiray hogaamiyahii meesa watay oo ahaa gadhigii u horeeyey saarna ee ku dhuftay birta,waxaa uu ahaa ina cabdi cawad ee shabaga ugu horeeyey jeexay sidii dadkii odhan jiray waa lays qarxiyaa oo uu ku socday xaq darro iyo wax aanu lahayn,walina lama soo qaban,lama soo qaban kii maal galinaayey ee dabada ka waday oo waanu u qornay haayadaha Amaanka”.

– See more at: http://hadhwanaagnews.ca/detail.aspx?id=143177#sthash.ouZdYp4I.dpuf