Madaxweyne Siilaanyo Oo Kulan La Yeeshay Safiirka Turkiga Ee Somaliland Iyo Somalia + Sawirro

Hargeysa (Berbera news) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo,ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Ambassador Olgan Bekar.
 

Wasiirka Arrimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in qodobada ay kala hadleen Weftiga Turkiga ah ay ugu muhiimsanaayeen dardar galinta wada xaajoodka Somaliland iyo Somalia ee Turkigu marti galiyay,kuwaasi oo uu sheegay inay hadda cagta jiidayaan.waxa uu sheegay in Somaliland mudo dheer sugaysay Somalia oo dhibaatooyin ka jiraan balse hadda ay diyaar u tahay inay si siman u kala baxaan Somaliland iyo Somalia.

“Waxaanu kala hadalay inaanu Safaaraddayadii ka furano Turkiga,arintaas oo aanu Ra’isal wasaaraha haddana ah Madaxweynaha Turkiga kula soo heshiinay.waxaanu isku Ogayn in labada dalba Xafiisyo furtaan,markaa koodii waanu u furnay laakiin kaayagii wali lagama furin turkiga waanuse Magacawnay.
https://i0.wp.com/somalilandtoday.com/slt/wp-content/uploads/2014/11/Madaxwaynaha-JSL-Iyo-Safiirka-Turkiga.jpg?w=696
 
 
 
Madaxweynaha hadda ee markaasna ahaa Ra’isal wasaaruhu waxaanu ku heshiinay in Somaliland iyo Somalia si siman wax loo siiyo.waanu ku faraxsanay waxa la siiyay Xamar laakiin,waxaanu doonaynaa in si siman wax naloo wada siiyo.Somaliland iyo Turkigu aad buu u qoto dheer yahay Xidhiidhkoodu oo cilaaqaad fiican oo aanay Africa la lahayn ayaa ka dhexeeya” ayuu yidhi Wasiirku.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa