Mareykanka oo ciidammo dheeraad ah uu diraya Ciraaq

BBC-(Berberanews)-Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa ansixiyay in ciidammo dheeraad ah oo ay tiradooda gaadheyso 1,500 oo askari la geeyo dalka Ciraaq, si loo xoojiyo ciidammada dalkaasi ee dagaalka kula jira xooggaga Daacish.

Waaxda difaaca ee Mareykanka, Pentagon-ka, ayaa sheegtay in ciidammada aanay ka qeyb qaadan doonin dagaalka, balse ay la talin iyo tababar siin doonaan ciidammada Ciraaq.

Pentagon-ka ayaa intaa ku daray in Mareykanka ay hadda Ciraaq kaga sugan yihiin 1,400 oo isugu jira askar iyo la taliyayaal.

ddddddd

Pentagon-ka ayaa rumeysan in ciidammada Ciraaq ay si wanaagsan uga faa’iideysanayaan tababarka ilaa iyo hadda la siiyay.

Afhayeenka Pentagon-ka John Kirby ayaa ku tilmaamay ciidammada Ciraaq ee tababarka qaatay kuwo dhabar adeegay.

Sidaa darteed waxaa lagama maarmaan noqotay in tababarka la gaarsiiyo ciidammada Ciraaq eek u sugan waqooyiga, Koonfurta iyo Galbeedka dalkaasi.

Balse dadka qaar ayaa ka walaacsan ciidammada Mareykanka ee Ciraaq lagu daabulayo, waxaana ay ka cabsi qabaan in markasta oo ay tiradooda siyaado ay suuragal tahay in ay dagaalka ka qeyb qaataan.

Dadka qaarna waxa ayba su’aal galinayaan in ciidammada Ciraaq ay yihiin kuwo howlahooda gudan kara.

Waxaa taasi sabab u ah qaabkii ay ciidammada dalkiisa u kala daateen markii uu bilowday duulaankii dagaalyahannada Daacish ay dhulka badan ku qabsadeen.

Mr Kirby ayaa jabkaasi eediisa dusha ka saaray dowladdii hore ee Ciraaq, waxaana uu tilmaamay in hadda ciidammada Ciraaq iyo kuwa Kurdiyiinta peshmerga ay guula ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Daacish.