Mirqaanku Waalli Casaa! W/Q. Axmed Cali Diiriye

Weligay iguma dhicin tii xalay oo kale iso martay. Dhacdo la yaab leh misna taariikhda ii gashay bey ahayd oo aanan ilaawi doonin  inta noloshayda ka hadhay.  Waxay ku xardhantahay maankayga. Awoodayda xusuuseed waxay noqon doontaa tan ugu sarreysa marka ay noqoto xaalladdii cakirnayd ee shalay gallinkii danbe ilaa saqbadhkii xalay is daba taxnayd.

Waa khamiis gallinkeedii hore. Goor sheegtu waxay ku sii siqaysaa 12 kii oo wax yar dhiman. Goobta aan ku suganahay waa waa magaalo xeebeedka Berbera iyo halkaan ku barbaaray.  Weyso ay biyo ka buuxaan baan sitaa si aan ugu diyaar garoobo sallaada Duhur. Markan lugtii bidix maydhay waxaan si lama filaan ah u jalleecay meel ku beegan midigtayda. Waxaan isha qac ku siiyay nin hab labiskiisu qurxoonyahay tayna ka laalaado. Waan iska soo jeestay haddana mar labaad ayaan eegay mise wuxu soo abbaarayaa xaggayga. Markan taxaddir badan ayaa I galay waayo waxan yaqiinsaday inuu aniga igu soo fool leeyahay. Goobtaydii kama dhaqaaqin waan iska sugay ilaa uu isoo hor istaagayba. “Iga walle  waa Cali oon biyo is marin!” ayaan ku dhawaaqay markaan ku naxay kaddib.Mirqaan



Cali waa mid kamid ah asxaab aanu aad isugu dheerayn oo aannaan in muddo ah is arag. Wuxuu shan sanno ku maqnaa qurbaha. Wuxuu ku imid dalka fasax iyo nasasho.  Shafka ayaan is gallinay in cabbaar ahna is waraysannay. Wuxuu ii sheegay in uu aniga ii socdo oo aan u casuumanahay. Waayahay ayaan ugu jawaab celiyay aniga oo ku faraxsan sida wanaagsan e uu  isku xilqaamay.

Baabuur aan u maleeyay inuu markaas uun soo iibsaday ayaan shidka hore u fuulay. Hudheel hilib geellaha ku caan baxay ayaan isku shubnay. Ileen goor hilib geel iigu danbaysay maba xasuustee intan dhinac walba ka maray on hilibkii kala saafay ayaan kuruskiina ku goostay. Cunnay oo cabnay oo calooshaydu buuxsantay. Si fiican ayaan uga ciil baxnay cunto wanaagsanna Ilaahay nooga dhigay. Dhinaca kale, ninkaygii sallaada Duhur u socday ma tukan  salaama-naqsina hadalkeedaba daa oo markii ayaa iigu danbaysay xusuusteedaba. Waaba halka ay ka bilaabmayso khaladaadkii badnaa ee aan maalintaa galay; waxayna ibo fur u ahayd dhacdooyinkii igu cusbaa aadkana iiga yaabiyay.

“Ilaahay jannada ha kugu casuumo” ayaan ugu mahad celiyay aniga oo dibbirsan. “U kaadi saaxib ma innagaa is waraysannayba!”ayuu igu yidhi isaga oo ka yaabban dagdagga igu jira. “In sha Allahu de caawa uun ha inoo ahaato iyo goobteenni aynu ku kulmi jirnay” ayaan ku idhi anoo yaabban. “Saaxiib fadhigga ayaa la isku waraystaa waana maalmihii la is warayan jiray macnaha khammiis ee ina mari aynu jilbaha isku aasanno warar badan oo xiiso lehna wey kaa danbeeyen’e” ayuu Cali iigu qudbadeeyay isagga o ay dhab ka tahay in an is raacno. “Bal waayahay ee inna mari” ayaan ku idhi aniga oo caga jiidaya dhinacna saaxibkay o aannaan muddo badan is arag tixgalinaya codsigiisa.

Halkii baan ka dhaqaajinnay. Sidaan u sii soconnay ayuun buu afka ii galiyay kolay jaadh lagu iibiyo oo isna ah kollayada magaaladda ugu caansan. “Oo adna miyaan qayishaa kugumaan ogayne?!” ayay tidhi islaantii meesha lahayd iyada oo samadaa ka qaylinaysa. Alla laydh weynaa sawta igu sannaadhay maaha! “Maya ee Cali baan socodka ugu wehel yeelayaa oo aan halkaa iska soo raacnay” ayaan ugu war celiyay aniga oo yara khajilsan. Cali si wanaagsan ayuu uga war qabaa in aanan qayillin xitaa laantiisana feen feenan. Laakiin wuxuu rabaa uun  intuu daaqayo in aan iska ag fadhiyo si aan isku xog waraysanno akhbaartana u kala qaadanno. Xiisaha uu qaadka u qabo mooyee wuxu qaatay jaad aan ku qiyaasay kiilooyo. War ma cid baa kula cunaysa? Maya’e aniga ayuun baa intan is marinaya!!!!

Magaaladaba waan kusoo wareegnay si aan u hello meel wanaagsan oo uu saaxiibkay ku qayillo. Marfash walba soo marnay mise wey buuxaan. Ugu danbeyntii, waxaan hellay majlisyadda kii ugu qaalinasaa uguna badnaa xagga shaxshaxda iyo shaahaba. Sharaab dibadda uma doonanaysid waayo waxa jooga adeegayaal firfircoon. Waxay kuu keenayaan wax kasta oo aad dalbatid. Dhinaca kale, waa meel kooban huurna yara ah. Waxaaba aad mooddaa in loogu talo galay mirqaanka waana ta saaxiibkay ku dhiirri galisay inuu goobtan ku daaqo.

Saaxiibkay barkin ayuu ku dharariyay gidaarkii, hareerahana qaar kale ayuu iska dhigay si uu ugu jiqlaysto. Wixii uu jaad watay ayuu hortiisa soo wadhay. Wuxuu bilaabay inuu kala haado misna kala hufo, alla ku xariifsanaa!! Aniguna dhiniciisa midig meel ku beegan oo aan ka fogayn baan soo fadhiistay waxaana la isoo hor dhigay shaah iyo sharaab wixii yaallay ileen ma qayillo’e.

Isku warranay hadalkana isku tuurtuurnay. Waxaanu isa soo xasuusinnay waayo waayo iyo wakhti hore oo so wada qaadannay. Isaga laftiisu wuxu aad ugu dheeraaday qurbaha intuu joogay iyo wixii kasoo maray. Aniga laftaydu kamaan yaraysan ee waxaan ku tiixiyay waayahaygii oo tafatiran. Jiiddii iyo jabaqdii ayaan isla hellay. Dadkii hareeraha naga xigay markiiba waxay yaqiinsadeen in aanu nahay asxaab wakhti hore isugu danbeysay. Annaga uun hana soo eegaan oo ha nagu mashquulaan balse dhagba shalaq umaanaan siin ee waan iska sii wadannay sheekooyinkayagii.

Wakhtigu uu cararrayaa se ma dareensanin.  Salaaddii Casar iyada mar hore ayaa laga baxay oo tii Maqrib ayay daqiiqado ka hadhsanyihiin. Si lama filaan ah ayuu iigu soo tuuray laan ka mid ah laamihii qaadkii hor yaallay oo uu weliba si fiican iigu soo xullay, “laantaa caajiska iskaga duuli waan ku arkaa in aad indhaha isku haysato’e”.  Yaab iyo amokaag! Laantii baan kor u qaaday markaas ban eegay, markaas ban haddana ka jeestay oon isagii eegay, haddana laantii dib u daymooday. Wuxuu arkay in aan labac labac ku jiro; dhinac wan ka yara diiddanahay haddana waxan is leeyahay bal maanta dhadhammi oo raga suuqa la eeg. “Rag waaweyn oo gawsaha dhaqdhaqaajinaya ayaad la fadhidaa ee adna dhaqdhaqaaji oo laantaa isku day” ayuu igu idhi isaga oo isku dayaya inuu ii sakhiro cunitaankiisa. Anna maba diidin’e gaws danbeedka ayaan ku hubsaday. Laan kale ayuu hadana ii dhiibay oon is dhaafiyay. Markaas buu tu kale ii soo xulay oon is dhaafiyay. Uu ii soo turaa oo aan hadana daanka dhigaa. Ileen qaadku sheekadda ayuu u fiicanyahay, mabaan moodayn oo maanta ayaan xaqiiqsaday.

Maankaygii baa markiiba is beddelay. Maskaxdaydii ayaa is laba rogtaysa oo si xawli ah ayaan u fikirayaa. Ileen meel kale ayaan ka shaxayaayaa’e durtaba timahaygii midh midh u duuduubay! Inyar dabadeed astaamo kale ayaan yeeshay, anigu anigiiba maaha! In doora kadib kulayl saaid ah ayaan dareemay. Shaadhkii ayaan iska bixiyay. Waxaan isku dayay in aan musbaar gidaarka kasoo jeeda sudho. Sudh baan is idhaahdaa mise musbaarkii baa duula! Haddana mar labaad ayaan isku dayaa mise shaadhkii dhulka ayuu soo taabtay. Waan kasoo qaaday anoo is weydiinaya halka ay wax ka khaldanyihiin. Intan indhaha marmaray ayaan u fiirsaday, mise waxan aan musbaarka u haystaa waa dukhsi!!!

Kulaylkii sii korodh. Dhididkuna labadayda dhofoor ayuu ka dareerayaa. Jidhkayga intiisa kale gabigiisuba uu hooray. Ma iska laydhsi baxdaa? Mayee iska joog ragga mirqaanka haka jiidhin’e. Aniga oo isla tashanaya ayuun baan hoostayda eegay mise waa durdur qulqulaya! “War halkan bey ka dhowdahay ee durdurkanba ku dabbaalo” ayuun baan isku qanciyay. Waliba reer Berbera na waan ahay oo dabbaasha sida midha xareedaadka ayaan u quusaa. Waxaan markiiba bilaabay inaan dharkii dhigto. Hal nigis ama shoorti ayaan isku soo reebay. Saaxiibkay Cali uu yaabbanyahay indho badanna wey isoo eegayaan. Waxaan ku war helay dadkii oo garbaha I xejinaya, “War sidaad wax leedahay? War joog oo is astur………war miyuu ka dhigay ka yari?!”. “I sii daaya aan idinka dabbaasho’e halkee baad biyaha iiga hor taagantihiin” ayaan samadaa kaga qayliyay aniga oo isa sii maqiiqaya oo doonaya in aan calaa madax u galo durdurka. Dadkii meesha joogay dhammaantood waan is wada dagaalnay, qaarkoodna gacanta ayaan isa saarnay. Waala ila yaabbanyahay saaxiibkay Cali na waa yaabka yaabkiis. Waxaan go’aansaday in aan iskaga tago meeshan. Aniga oo shaadhkayga badhimadiisa ku foorora ayuun baan isha qac ku siiyay, mise waxan aan durdurka qulqulaya moodayaa waa biyihii ku jiray jabcadda ama baaquliga ee loogu talo galay in qaadka la iskaga dajiyo!!!

Waan iskaga baxay. Hadda waxaan ku aadanahay halkii hoygaygu ahaa. Saacadda ayaan eegay mise waa saq-badh. San ku neefle waddada marayaa ma jiro aan aniga ahayn. Intaas harreeraha ayaan daymoonayaa oo naftayda ayaan u baqay. Dee weligayba xilligan oo kale dariiqba miyaan socday. Bal adba!

Waan soo gaadhay oo albaabkii ayaan garaacay. Waa la iga furay mise waxan la kulmay duul aad mooddo inay heegan ku jireen o gacanta ku sita hubka fudud noocyadiisa kala duwan. Dhaawacyo fudud ayay isoo gaadhsiiyeen. Mid ka mid ah ayuun baa dhagaha is kala jaray oo ku dhawaaqay “ Alla ka daaya waa inankii jaarka……. maahee! Wax ma noqotay bismillahi raxmani raxim…….. Ilaahay nabar gardarro ha kaaga dhigo…….. ..inanka jaarkow raalli ahow waxaan ku moodaynay tuug habeennadanba na bartay oo aan ugu tallo galnay in aan caawa bakhtigiisa ka tallaabsano’e”.

Xalay iyo ta igu dhacday lagama sheekeeyaan! Waxan maqli jiray uun qofkii mirqaama dhacdooyin ma hadho ah oo hadhow lagu sheekaysto ayaa ka hadha. Shaw duulkan qayillaa waali daas ayuun bey ku jiraan. Waalli du noocyo badan’e  ALLA MIRQAANKU WAALLI CASSAA!

 

Axmed Cali Diiriye

A_asad222@hotmail.com

www.acdiriye.wordpress.com

ALLAA MAHAD LEH