RRU-da oo u daatay Gurigii uu Hargeysa ka deganaa Mulkiilaha Horn Cable Tv

Ciidammada Ciidammada Somaliland ee qaabbilsan la-dagaallanka Argaggixisada ee loo RRU-da loo yaqaanno, ayaa subaxnimadii hore ee saaka u daatay Guriga uu magaalada Hargeysa ka degganaa Mulkiilaha Telefeshinka Horn Cable Farxaan Xaaji Cali Axmed, kaasoo isaga iyo Xaaskiisuba iskaga baxeen gurigaas markii ay Askartu u sheegeen inay qabaan amar ah inay la wareegaan Aqalkaas gacan-ku-hayntiisa