“Xukuumaddan Xamaamta Sii Urursanaysa Ee Safarka Ku Jirta, Hanti Ha U Dhiibanina” Afhayeenka Xisbiga WADDANI

Hargeysa (Berbera news) Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ahna Guddoomiyaha Guddida joogta ah ee Golaha Wakiilada, sidoo kalena ah Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa ka hadalay hadal dhawaan ka soo yeedhay Siciid Sulub oo ka mid ah Masuuliyiinta iyo Siyaasiyiinta Xisbiga Waddani, oo hadalkisa si kale loo fasiray, waxaanu sheegay in hadalka Siciid Sulub si kale dadka loo galiyey, beena laga sheegay.
 
 
 
 
 
 
Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa sidoo kale waxa uu talooyin u soo jeediyey dhammaan Madax-dhaqmeedka Somaliland oo uu ku booriyey in aanay ku milmin saaxada Siyaasada ee ay ku eekadan hawlahooda iyo shaqada ay Umadda u hayaan.
 
 
 
 
 
 
Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo warbaahint u waramaya ayaa sidoo kale Xukuumadda ku eedayey Hantida iyo Guryaha Umadda ee ay xaraashayso, waxaanu sheegay inay khalad tahay isla markaana aanu jirin xeer ku saabsan xaraashka hantida Umadda oo jira, balse uu hadda xeerkani uu Golaha Wakiilada hor yaalo, “Waxaad la wada socoteen in maalmahan dadka ku nool Xaafadaha Maxamuud Haybe iyo Masalaha, in hadalkii uu yidhi Siciid Sulub in si kale loo galiyey, looguna turjumay, waxaad la socoteen in la kiciyey Bulshada, oo la yidhi Madaarka iyo Xafiiska Wasaaradda Duulista Hawada,ee laga furay Madaarka iyo Masalaha agtiisa Xisbiga Waddani wuu soo xidhayaa, waxaanu leenahay waxaas waxba kama jiraan, dacaayadaas raqiiska ah wixii fidiyeyna waxa aanu leenahay Umadda ha u sheegina waxa aan jirin, xifiltanka siyaasadeed iyo hadalada duur xulka ah, ee Siyaasadeed ee Siyaasiyiintu isku durayaan ama ay ku wada hadlayaanba, ha u qaadanina mid si rasmiya uga turjumaysa afkaarta siyaasadeed ee Xisbigu aamisan yahay, waxaanu Bulshada ku nool Deegaankaas u sheegaynaa in Xisbiga Waddani wax uu u kordhiyo mooye, haddi ay Wasaarad tahay iyo haddii ay Hay’ad kaleba tahay waxa uu ka dhimayaa ma jirto, anaga ayaa u joogna, una caddeynayna kalmadaas, waxa kale oo aanu jecel ahay Cuqaasha iyo Madax dhaqameedada reeruhu in aanay ku dhex milmin wada hadalada Siyaasadeed, ee Hawada ama Saxaafadda ay isku marinayaan Muxaafidka iyo Mucaaradku, oo ay ku eekadan Shaqadii Dhaqanka, Bulshadana wanaagooda, isku xidhkooda iyo walaaltinimadooda, oo ay mar walba ka shaqayeen ilaaliyaana”.
 
 
 
 
 
 
Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, mar uu ka hadlaayey cida ku hadali karta Magaca Xisbiga ee loo igmaday ayaa yidhi “Waxa aanu u sheegaynaa Umadda reer Somaliland, in Siyaasada, afkaarta iyo go’aamada Xisbiga ee kama dambaysta ah, ee uu soo saaro Xisbi waad garan kartaan ayaan filayaa, cida ku hadashaana waa Afhayeenka XIsbiga, waxaan Umadda mar labaad iyo mar saddexaadba ugu celinaynaa in aanay u nuglaan hadalada dacaayada ah ee raqiiska ah, ee laga fidinayo ama laga baahinayo Xisbiyada Mucaaradka ah, gaar ahaan Xisbiga Waddani, oo maalmihii ugu dambaysay si khadlan looga dhaadhiciyey hadaladii duur-xulka ahaa, ee Siciid Sulub uu ku duraayey Wasiirka Duulista Hawada iyo wax-qabadkiisa”.
 
 
 
 
 
 
Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa mar uu ka hadlaayey Hantida Qaranka ee la sheegay inay Xukuumaddu iibinayso waxa uu yidhi “Waxa maalmahan ka socday Magaalada Hargeysa iyo Magalooyinka kale ee dalka Hanti boob, ay wado Xukuumadda xamaamta sii urursanaysa oo aad moodo inay ka quusatay rajadii iyo inay mar labaad ku soo noqoto hogaanka dalka, waxa socda oo la wada socotaan in Guryo waaweyn oo ku yaalay Magaalada Hargeysa, ay bilawday inay soo dhajiso liiskooda oo ay xaraashto, oo ay tidhaahdo Ninkii toban cisho ku soo bixin waaya Lacagtaas inuu alaabtiisa ka qaato, waxa aanu leenahay maaha sharci, xeerarka dalka ma ogolanayaan in sidaas fawaaxishka ah loo xaraasho, loo tirtiro ama loo isir tirtiro, waa isir tire Hantida uu Qaranku wada leeyahay, Umadda wada leh, Hantida Shacabka ku taala, waxaana u sheegayna dadka ku jira Guriyahaasi inay masuuliyada leeyihin, oo ay ilaaliyaan, kana aqbalin Lacagta Maaliiyinka ah, waxa aanu maqlaynay inay qaar ku yidhaahden Malyan iyo laba boqol oo kun soo bixiya, qaar inay ku yidhaahdeen Lix Boqol oo kun soo bixaya, Ninkii ku soo bixin waaya toban cishana in albaabada laga xidhayo, oo waa laga saaraya, waxaan leeyahay idinka ayaa ka masuul ah, oo Xukuumadda xamaamta sii urursanaya ee safarka ku jirta, Hantina ha u dhiibina, Lacagna ha siinina, guryahaasna ha ka bixina, nabadgaliyadooda suga”.
 
 
 
 
 
 
 
Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Ma jiro xeer si cad u tilmaamaya oo caddeeynaya Hantida Qaranka sida loo iibinayo, loona xaraashayo, oo hadda ayey Golaha Wakiiladu gacanta ku hayaan, inta Xeerarku soo baxyaan oo la ogaanayo baahida loo iibinayo, Hantidaasi halka ay ku dhacayso iyo waxa lagu qabanayo, xaq uma laha Xukuumaddu inay Shilimadkaas malaayiinta ah tidhaahdo dadka keena, oo jeebado aan la garanaynin lagu shubto, waxaana Umadda reer Somaliland u sheegaynaa inay hantidaasi tahay hanti Qaran oo Umadda ka wada dhexaysa oo ka caawa dhasha iyo ka Boqol jirka ah wada leeyihiin, ha la ilaaliyo ayaanu leenahay, dadweynahana waxa aanu farayna inay ka digtoonadaan oo aanay u dhego nuglaan hadalaad raqiiska ah, hadalaadaas hanti lunsiga ah ee ay Xukuumaddu ku tiraabayso, ee ay ku iibinayso kuna xaraashayso Guriyaha Dawladda, waxa xaq ahayd oo Xukuumadda laga sugaayey inay soo kordhiso Guryo ay Umaddu lahayd, laakiin lagama filaynin oo lagooma fadhiyin inay kuwii jiray ee Ingiriisku ka tagay,inay u soo dhigato oo ay xaraashto, oo ay isir tirto oo ay baabiso, oo Hanti ay Umaddu wada leledahay meesha ka baxdo, hantida qaranka ilaalinteeduna waa waajib ina wada saaran”.
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.