Wasiir Waran-cadde Oo Ka Hadlay Muranka Maxjarka Berbera Iyo Khilaafkii Oo Weli Taagan

Hargeysa (Berbera news) Wasiirka Arimha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde,ayaa markii u horaysay ka hadlay Shaqaaqo ka dhacday Maxjarka cusub ee Berbera iyo muranka u dhexeeya Ganacsatada Maxjarkaasi dhisanaysa iyo Shirkadda Indho-deero.waxa uu sheegay in Arintaasi Xukumaddu gacanta ku hayso xallinteeda,isagoo ka digay falal dadka lagu kala qaybinayo.
 
 
 
 
 
“Waxaa ka mid ah Arimaha la doonayo in Bulshada lagu kala qaybiyo ee Maalmahan socday,Arinta ganacsatada xoolaha ee reer Somaliland.Arintan oo ka dhacday Maxjarka Berbera,waxaana si buuxda ugu haysa gacanta oo si Caddaalad iyo sinaan ah oo dhakhso ahna u dhamayn doonta hawshaas.Waxaana gacan adag lagu qaban doonaa cid kasta oo falkaasi ka qayb qaadatay.waxaa dawladda ka go’an inay gacan bir ah ku qabato,Sharcigana la hor geeyo cid kasta oo lagu tuhmo inay fadqalalo ka wado dalka” ayuu yidhi Wasiirka Daakhiligu
 
 
 
Wasiirku waxa uu Bulshada Somaliland uga digay wuxuu ugu yeedhay Dacaayado raqiis ah “Waxaan uga digayaa Bulshada Somaliland Dacaayaddaha raqiiska ah ee lagu kala fogaynayo Bulshada Somaliland.Waxaan u soo jeedinayaa Bulshada Somaliland ee waayo araga ah inay ilaashadaan wada jirkooda iyo walaalnimadooda.waxaan bulshada u soo jeedinayaa inay iska jiraan Siyaasiyiinta siyaasadda ku asqoobay ee aan kala garanayn waxyeelada iyo waxtarka”
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa