Xukumaddaha Marka Arrimuhu Ka Qasmaan, Laba Arrimood-baa Si Caddaan Ah Loogu Gartaa….” Xasan Ciise

Hargeysa (Berbera news) Madaxweyne xigeenkii ugu horeeyay ee Somaliland Xasan Ciise Jaamac, ayaa Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo ku sifeeyay mid ay ka muuqdaan Astaamaha lagu garto Xukumad wax ku si yihiin.waxa uu sheegay in Xukumaddaha Africa intooda badan markay sii dhacayaan Saxaafadda cabudhiyaan islamarkaana Hantida Umadda leexsadaan

Xasan Ciise oo Maanta ka hadlay Xidhiidhka Wanaagsan ee Saxaafadda iyo Dawladda waxa uu soo bandhigay Nidaam Xadhiga lagaga maarmayo waxaanu yidhi “Haddaad dawladda tahay oo Saxaafaddu dhaliil kaa qorto waxaa kuu banaan Inaad Dhaliishaa ka faa’iidaysato oo saxdo,haddii aad liqi kari waydo oo arintaas lagaa qoray aad qaadan kari waydo Xukumadda waxaa u banaan inay Warbaahinta tidhaa soo caddeeya. Saxaafaddu haddii ay soo Caddayn kari weydo waxaa u banaan in halkii ay warkii hore ku qortay sixid ku qorto oo ay tidhaa warkii sidaas iyo sidaas ahaa wuu nagu beenoobay sidan ayaanu sax ku yahay ee dadow sidaa ku Ogaada”

Waxa uu intaas ku daray “Xukumaddaha Afrikaanka marka arimuhu ka qasmaan laba arimood baa si caddaan ah loogu gartaa oo aan khaldamayn ee aad ku garanaysaa in XUkumadda wax si ka noqdeen.labadaas arin mid waa Lacagta oo Marka Arimuhu ka qasmaan inta Lacagtii dadkii Xaqa u lahaa laga leexiyo ayaa dad aan xaq u lahayn oo baadil iyo gardaro ay ku tahay loo leexiyaa.  Ta labaadna waa Saxaafadda,wuxuun baynu maqli jiray Habar dhali weyday Aleelo ku waalataye, Xukumaddaha African-ka marka wax si ka noqdaan ayay Warbaahinta ku waashaan.mar haddaad aragto Xukumad ka dhamaan weyday warbaahin wixii ka waaweynaa ayay ka leexatay.dee Xukumaddaha loo ma diran inay Saxaafadda la dagaalamaan ee waxa loo dirtay inay Dalka Horumar gaadhsiiyaan,inay dadka mideeyaan,inay Xaqa ka shaqeeyaan,inay Cadaaladda ka shaqeeyaan,inay Lacagta Cashuurta ah umadda ugu adeegaan” ayuu yidhi Xasan Ciise.

Xasan Ciise oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi ”Haddii Xukumaddu dhibaato Siyaasi ah meel ka aragto,Sharciga lagulama degdego ee waxaa lagu xaliyaa xal siyaasi ah.Saxaafaddana dhibkaad kala kulanto waxaa lagu xaliyaa in sidii aan soo sheegay Runtana lagu taageero,Beentana la yidhaahdo saxa balse Sharciga iyo Xeer kuma haboona waana laba arimood ee dhicista dawladda sabab u noqda haddii sharciga lagula cararo” ayuu yidhi Xasan Ciise

Berbera news/Hargeysa