Arday-kaab: Mareegtii ugu Faa’iidada Badnayd ku Soo biirta Saaxadda

Hargeysa(Berberanews)-Shabakaddii ugu Faa’iidada Badnayd ee Abid ku Soo biirta Saaxada Mareegaha oo ah mid loogu talo galey in laga barto Aqoonta iyo Cilmiga Casriga ah ee Caalamkan aynu Joognaa ku talaabsadey.

 Ardaykaab site

Shabakaddan oo ah mid Magaceeda lagaga dhadhansan karo faa’idadda ay xambaarsan tantey oo qof kastaa uu ku faa’idi doono Cilmi ka maqnaa, waxaana ay tahay mid da’yarta u horseedeysa inay horumariyaan tayada Aqoontooda taasi oo magaceeda la yidhaa ARDAYKAAB.COM waxay Da’yarta Somaliyeed meel kasta oo ay joogaan u diyaarisey in ay Technology-yada Caalamka ay la socdaan iyadoo ay aqoonyahano iyo Engineero Ku takhasusey ay u tafaxayteen in umada Af-ka Somaliga ku hadasha ay hesho aqoon Bilaasha oo aanay wax lacaga ka bixin si ay ula mid noqdaan Ardayga Yurub iyo Ameerika wax ka barta oo ay waliba dhaafiyaan.

Shabakadda ardaykaab waxa laga helayaa oo ay ummada u diyaarisay:

1.Softwares Bilaasha.

  1. Casharo Muuqaal ah.
  2. e-Books
  3. Templates si gaar ah waliba (After Effects iyo Photoshop)
  4. Aqoon Guud oo ay ugu talo gashay casharo iyo warbixina koo kooban oo ku tacaluqa Aqoon.

Hadaba waxaa loogu bushaareynayaa Ummada Soomaliyeed gaar ahaan Ardayda inay ka faaidaysataan shabakadan oo ah mid waxtar u leh jiilka soo kacaya iyo qof kasta oo raba aqoon korodhsi.