Dawladda Masar Oo Ku Baaqadday In Xal Laga Gaadho Khilaafka U Dhexeeya Madaxda Somalia

Hargeysa (Berbera news) War qoraal ah oo uu soo saaray Wasiirka arrimaha dibadda Masar Saamix Showkari ayuu ku sheegay inay muhiim tahay in ururka Jaamacadda Carabta ay ka qaadato kaalin weyn dhexdhexaadinta madaxda dowladda Soomaaliya.
 
 
 
 
 
“Khilaafkani wuxuu sababi karaa cawaaqib xun oo ku yimaada nidaam lagu dhiso dowladda Soomaaliya, gaaridda dib u heshiisiin Qaran iyo Soomaaliya oo doorasho ay ka dhacdo sannadka 2016-ka iyo weliba in dastuurka dalka la dhameystiro,” ayuu Showkari ku yidhi War-warsaxaafadeedkiisa.
 
 
 
 
Sidoo kale Wasiirka arrimaha dibadda Masar ayaa sheegay xukuumaddiisu ay aad u daneynayso xallinta khilaafka u dhexeeya madaxda Somalia, isagoo sheegay in Masar iyo Soomaaliya uu ka dhexeeyo xiriir fog oo taariikhi ah.
 
 
 
 
Ugu dambeyn, wasiirku wuxuu sheegay in dowladdiisu ay ka qaybgalayso shirka lagu qabanayo caasimadda Denmark ee Copenhagen si ay taageero uga geystaan higsiga Soomaaliya ee sannadka 2016-ka, kaasoo qorshihiisu yahay in Soomaaliya dib loo dhiso.
 
 
 
 
Muranka siyaasadeed ee u dhexeeya madaxda dowladda Soomaaliya ayay si weyn caalamku uga walaacsan yihiin, iyagoo baqdin ka qaba in rajada laga qabo Soomaaliya inay dhibaatada iyo colaadaha ka baxdo ay suurogal noqon waydo.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.