Nigeria: 47 Arday oo lagu qarxiyay iskuulkii ay dhiganayeen

Nigeria-Ugu yaraan afartan iyo toddobo qof ayaa ku dhimatay toddobaatan kalena waa ay dhaawacmeen,Bambaano ayaa ku qaraxday dugsi sare waqooyi bari Nigeria, Bambaano  lagu qarxiyay dugsi sare waqooyi bari Nigeria, gaar ahaan gobolka Yobe, oo ah meel ay hore weeraro ay ku qaadeen kooxda Boko Xaraam.

Iyadoo ardayda ay meel isku imanayaan iskuulka ayay qaraxday bambaanada. Waxaa jiray jahawareer iyadoo maydka iyo dadkii dhaawacmay la geeyay isbiytaal u dhow.

Ma jiro koox sheegatay inay qaaday weerarka laakiin Boko Xaraam ayaa horay u weerartay iskuulo goobta.

Boko Xaraam ayaa ka soo horjeeda waxbarashada waxayna rabtaa in ardayda ay barato diinta islaamka islaamka.

Toddobaadkii hore qof is qarxiyay ayaa dilay ilaa shan iyo toban qof oo muslimiin Shiica ah iyagoo xusaya dhimashadii Imam Xuseen