Wariye lagu dhaawacay Muqdisho

Muqdisho-(Berberanews)-Nuure Maxamed Cali oo horey ugu shaqayn jiray idaacadda Kulmiye ayaa xalay si xun ugu dhaawacmay qarax xooggan oo ka dhacay agagaarka KM-4 ee magaalada Muqdishu.

Qaraxan ayaa la sheegay in loogu xidhay baabuurka uu watay weriyaha.

Goobjoogayaal ayaasheegay in booliiska iyo shaqaalaha gargaarka caafimaadka ay gaadheen goobta.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay  inay ka dambaysya weerarkaasi.

qaraxa

Magaaada Muqdishu ayay inta badan ka dhacaan weerarro iskugu jira qaraxyo iyo toogasho oo loo gaysto shaqaalaha warbaahinta Soomaalida