“Waxa Muuqata In Sag-saag Ku Jiro In Doorasho Dhacdo, Taasi-na Waxay Keenaysaa Cawaaqib Xumo” Faysal Cali Waraabe

Hargeysa (Berbera news) Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid-yihiin Doorashooyinka lagu waddo inay Somaliland ka qabsoomaan sanadka 2015-ka, isaga oo sheegay in aanay aqbali-doonin muddo kordhin loo sameeyo Xukuumadda Madaxweyne Siillaanyo.
 
 
 
 
 
Faysal Cali Waraabe oo maanta dalka ku soo laabtay ka dib safar uu ugu maqanaa dalka dibadiisa, waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Waxa muuqata in sag-saag ku jiro in Doorasho dhacdo, taasina waxay keenaysaa cawaaqib xumo, waxaanan filayaa in laga maarmay doorashooyinkii iyo asxaabtii markaa talo kale oo qaran looga wareegi doono, mar haddii hay’addihii xilka ku lahaa inay agabka doorashooyinka dhigaan ay meeraysanayaan oo aanay doonayn inuu qofna meeshiisa ka kaco waxa iman doonta in laga tashado, waxaanan ugu bushaaraynaynaa cida wakhtigoodu dhamaado inaanu sharci ku fadhiyeyn lagana tashan doono, sharci darana waxa noogu filan tii baarlamaanka ee shanta sano ahayd, ta guurtida ayaa noogu filan haddii ay ta madaxweyne ku darsanto dalka waxa uu noqonayaa dal hay’addihiisa oo dhami ay yihiin bilaa sharci.”
 
 
 
 
Waxaanu intaas ku daray “Markaa waxaan jecelahay in arintaas laga tashado oo taladeeda la gaadho laakiin yaan lagu seexanin in hadiyad loo siiyo hay’addaha ka seexday sharcigoodii in loo kordhiyo, oo ay isku kordhiyaan.Waxyaalihii aynu ku caano maalnay ee aan aduunka ka iibino, warbaahintana waxaanu jecelnahay inay xukuumadu xidho waayo waa kuwii nooga hiiliyey markii uu Siilaanyo mucaaridka ahaa ee warkayagana aasi jiray kuwiisana buun buunin jiray waanan jecelnahay inay cuquubadu ku dhacdo laakiin mab da’ahaan waanu ka soo hor jeednaa iyaga iyo ciidamada laysticmaalayo ee sidii duub castii Maxamed Siyaad Bare loo dirayo dadka, labaduba waxa uu ku tusayaa in dalkeenu uu leexday wixii uu ku caano maalayna ka leexday, doorashadiina dib ayey u dhacaysaa markaa waxaad moodaa inaynu dib u cunayno heeryadeena, waxaanu leenahay ha la soo daayo hay’adaha warbaahineed ee xidhan taasna waanu ka xunahay waa wax aan loo dul qaadan Karin.”
 
 
 
 
Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Waxaanu leenahay guryaha shacabka Hargeysa ee dawladu leedahay ama dadka ha loo soo wada celiyo ama reer Hargeysa ayaa lahaaye ha qaybsadaan laakiin in qolo qaadato anaguna ka qaawanaano wax meesha qabta maaha.”
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeyas