Xisbiga UCID Wasaaradda Duulista Iyo Hawadda Ku Eedeeyay Inay Ka Hor-istaageen Hab-maamuuskii Ay Xaqa Ugu Lahaayeen Madaarka

Hargeysa (Berbera news) Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Cabdirashiid Xasan Mataan waxa uu sheegay in laga hor-istaagay inay guddaha u galaan Madaarka Cigaal ee Magaaladda Hargeysa oo ay ku soo dhaweynayeen Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo Safar ugu maqanaa Dalka dibadiisa.
 
Cabdirashiid Xasan Mataan oo Warbaahinta la hadlay waxa kale oo uu sheegay in Xisbi ahaan ay Xukuumaddu Culays Siyasadeed saarto, isaga oo ku sababeeyay inay haystaan Kalsoonidda Shacabka
 
Xisbiyadda Mucaaridka ah Somaliland ayaa dhawr jeer ku dooday in laga hor isaatagy inay guddaha u galaan Madaarka Hargeysa, hase-yeeshee Wasiirka Duulista oo dhawaan Hargeysa 00 dhawaan Warbaahintala hadlay xili uu kulan lahaa Guddiga Arrimaha Bulshadda ee Golaha Wakiiladda Somaliland in Wasaaradda ahaan ay Xil iska saaraan Hambaauuska Mucaaridka.
 
Hadalkan Wasiirka Duulista ayaa ilaa hadda aan suurto-gelin, kaas oo u muuqadday xiligaasi mid uu iskaga jeedinayay indhaha Warbaahintii weydiisay cabashadda ay Mucaaridku ka tirsadaan Madaarka Hargeysa xiliyadda ay Masuuliyintooddyu ka soo degayaan.
 
 
 
 
 
Halkan ka Daawo.
 

 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa