“Waxaan Qabaa In Cidda Doorashadda Dib U Dhigaysa Ee Korarsiimadda Ku Joogta Ay Tahay, Hogaanka WADDANI” Xildhibaan Cabdilaahi Balaaki

Hargeysa (Berbera news) Xildhibaan Cabdilaahi Xuseen Cigge (Balaaki) oo ka mid ah Mudanayaasha Xisbiga taladda haya ee KULMIYE ayaa sheegay in Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda iyo Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) uu olole ka bilaabay Goboladda bariga Somaliland, isaga oo arrintaasi ku tilmaamay mid aanay weli cayimin Guddida Doorashooyinka oo aan weli Golaha Wakiiladdu ansixin.
 
 
 
 
 
Xildhibaan Cabdilaahi Balaak Warbaahinta kula hadlay Magaaladda Hargeysa waxa kale oo uu sheegay in Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro uu waddo qorshe uu doonayo in dib dhac uu ku yimaaddo Doorashadda.
 
 
 
 
Waxaanu yidhi “Guddidda Doorashooyinku marka ay ku dhawaaqaan uun-bay furan tahay xiliga Doorashaddu qabsoomayso iyo xiliga olaluhu bilaabmayo, Ololahan uu bariga ka bilaabay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladdu, waxa uu qiil ugu raadinayaa taageeradda Xisbigiisa oo liiddata ayuun-buu dadka indho-sarcaad uga dhigayaa sidii uu Golaha-ba ugu dhigayay in la yidhaahdo WADDANI-baa halkan maray iyo Xukuumaddaa sidan tidhi” ayuu yidhi Xildhibaan Cabdilaahi Balaak.
 
Xildhibaanku waxa uu sheegay in Guddoomiye Cirro uu muddo kordhin ku fadhiyo, isla-markaana uu wadda arrimo la xidhiidha dib u dhac ku yimaadda Doorashadda, waxaanu yidhi “Doorashadda cida dib u ridaysaa waa Gddoomiyaha Golaha Wakiiladda , Dawladda uu cambaaraynayo xitaa wey ka dhamaatay waxyaabihii Doorashadda ku xidhnaa oo dhan, waxaana xaq loogu lahaa Dawladda inay ku darto Miisaaniyaddii waanay ku dartay . Xukuumadda waxa xaq loogu lahaa inay magacawaddo Guddida Doorashooyinka haddana Golaha ayuu hor-yaalaa inta kale waxay ku xidhan-tahay ee hor-taalaa waa Baarlamaanka , laakiin haddii Baarlamaankii Guddoomiyihiisii ogolayn in la isku yimaaddo ee uu marna Sharcigii si kale u dhigayo, marna uu Golaha ka baxsanayo oo uu odhanayo dib-baan u dhigay . Anigu waxaan qabaa cida Doorashadda dib u dhigaysa ee horena korarsiimadda ugu joogtay ay tahay Hoggaanka WADDANI oo ah Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda, waayo marka horeba 10 Sanadood-buu Sharci-darro ku fadhiyay haddana cidda doonaysaa waa isaga (Guddoomiye Cirro)”
 
 
 
 
 
 
 
Halkan ka daawo.
 
 

 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa