“Khilaafka U Dhexeeya Madaxda Somalia Samayn Kuma Yeelanayo Si Shirka Copenhagen” Wasiirka Arrimaha Dibada Somalia

Hargeysa (Berbera news) Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo dalka Saudi Arabia ku sugan ayaa daboolka ka rogay in shirka ka dhici doona xarunta dalka Denmark ee Copenhagen uusan saameyn ku yeelan doonin khilaafka madaxda sare ee dowladda Soomaaliya u dhexeeya.
 
 
 
 
Bayle ayaa hadalkiisa ku daray in shirka ay isku duubni ku tegi doonaan madaxda Somalia, isagoo meesha ka saaray in khilaafka ka dhex-oogan madaxda dalka uu saameyn ku yeelan karo shirkaas.
 
 
 
 
“Shirka Copenhagen wax saameyn ah kuma yeelanayo khilaafka madaxda u dhexeeya, Somalia waa hal Qaran oo leh hal Calan, iyadoo la isku duuban-yahay ayaana shirkaas la tagayaa,” ayuu si kooban u yidhi Cabdiraxmaan Bayle.
 
 
 
 
 
Wasiirka ayaa xusay in dalka Saudi Arabia uu u joogo sidii balan-qaadyadii ururka iskaashiga carabta iyo dowladdaha kale ay horay uga sameeyeen Soomaaliya ay u heli lahaayeen.
 
 
 
 
Hadalka wasiirka ayaa imaanaya iyadoo dowladda Mareykanka ay walaac aad u xooggan ka muujisay khilaafka ku dhex-jira madaxda sare ee dalka, sidoo kalena sheegtay in shirka Copenhagen aysan u diray wafdi heer sare ah.
 
 
 
 
 
Shirka Copenhagen ayaa todobaadka soo socda furmi doona, iyadoo ay ka qayb-geli doonaan madaxda dalka qaarkood, maamullada gobollada iyo Beesha Caalamka, iyadoo Somaliland ay qaadacday ka qaybgalka shirkaas.
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.