“Abaalkii Lixdankii Ee Cigaal Iyo Abaalkii UDUB Ee Axmed Yusuf Ayaan Celinayaa Ee Gudoonta” Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble

Hargeysa (Berbera news) Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland, oo hore uga mid ahaan jiray Xisbiga taladda dalka haye ee KULMIYE, isla markaana isaga oo Muxaafid ah Xukuumadda aad u dhaliili jiray, oo dhawaan ku biiray Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa sheegay inay Xukuumaddu ka baqayso Doorashada, isla markaana ay doonayso inay dib u dhigto, balse aanay taas sinaba uga yeeli doonin
 
 
 
 
 
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay sababta dhabta ah ee ku keliftay inuu ka baxo Xisbiga KULMIYE, waxaanu xusay in Xisbiga Kulmiye uu yahay Xisbi bilaa tawqif ah, oo mar walba la isku haysto.
 
 
 
 
 
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, ayaa mar uu la hadlalayey Taageeryaal aad u badan oo iskugu soo baxay Magaalada Burco, ayaa sidoo kale ka hadlay sababta uu ugu biiray Xisbiga Waddani, waxaanu sheegay in Waddani yahay Xisbi dhisan, oo aan nidaan iyo kala dambeyn leh, kalsoonidii shacabkana qabsaday, waxaanu yidhi “Wax aaanu idinku nimid waaa Dooorasho, Doorashadii waa laga baqay,Xukuumaddana wey ka baqatay Doorashadii, Doorashaduna waa inay dhacdaa, Maalin in lagu darana maaha, Anigu muddo dheer ayaaan Kulmiye ahaa, muddo dheer ayaan qaylinaayey oo aad I maqlayseen”.
 
 
 
 
 
Xildhibaa Siciid Cilmi Rooble oo ka hadlaya sababta dhabta ah ee uu uga baxay Xisbiga Kulmiye ayaa yidhi “Waxaan uga baxay Xisbiga Kulmiye ta kowaad tawqif la’aan, waa la isku haystaa, waa la is cunayaa, balaaya isku dhex jirta, imtaxaan ayaa meeshaas yaala, Nimanka Xisbi u talin kari waayey Qaran uma talin karayaan”.
 
 
 
 
 
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa mar uu ka hadlaayey sababta uu ugu soo biiray Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa yidhi “Xisbiga Waddani waxa aan ugu soo biiray tawqif, wax is haystaana ma jiraan,waxaan idiinku bushaaraynayaa in aan anigu ahaa Mucaard dheer, Mucaaradadaas Waddani mid ka rajo dhaw maan arag, Todoba cisho ayaan ku jiro durbaba waan yaabanahay, waxaan idiinku mushaaraynayaa oo aan idiin qabtay Lix bilood, lix bilood ka dibna dalka waanu haysanaa,ee Qoladii tahriibi jirtay Waddani u soo tahriiba, halkaas ayaa inoo balan ah, Cadaalad ayaa taala, halkaas ayaa inoo balan ah, waxaanan leeyahay Burcooy adiga oo isu dhan, Barrigaaga, Galbeedkaaga, Waqooyigaaga iyo Hawdkaaga, Codka Waddani wada siiya, Shalayba waanu wada siinay xaggaas, Maantana kan ayaa leh, waxaan kale oo aan idiin sheegaya in aan celinay Abaalkii Lixdankii ee Cigaal iyo Abaalkii UDUB ee Axmed Yuusuf Yaasin ayaan celinayaa, haddii aanu Subeer Awal nahay ee guddoonta.”
 
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.
.