DAAWO: Xalkii Hore Looga Gaadhay Khilaafkii KULMIYE Iyo Loolankii Hore Uga Dhexeeyay Wasiir Samaale Iyo Guddoomiye Muuse Biixi Oo Dib U Bilaabmay

Hargeysa (Berbera news) Ergo ka tirsan Golaha Guurtidda ayaa 7 Bishii June ee Sanadkan 2014-ka waxay go’aamo xal u noqday ka soo-saareen khilaafkii xiligaasi labada Garab u kala qaybiyay Xisbiga taladda haya ee KULMIYE oo ay kala hoggaaminayeen Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiiro uu ka mid ahaa Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Samaale oo isku dhinac ah iyo Garab kale oo uu hogaaminayay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, kaas oo salka ku hayay Musharaxnimadda Xisbiga taladda haya ee KULMIYE.
 
 
 
 
Warbaahinta Somaliland qaybaheedda kala duwan ayaa maanta baahisay in uu dib u soo cusboonaaday Loolankii adkaa ee u dhaxayn jiray Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka Maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, kaas oo la sheegay in labadan Masuul ay ku dhex loolamayaan Beesha ay ka soo jeedaan si ay u kala reebto, iyadoo midkooda guulaysta uu doonayo inuu noqdo Murashaxa Madaxweyne ee KULMIYE, Madaxweyne Siilaanyo dabadii. Guddiyo is xilqaamay ayaa maalmihii u dambeeyay ku hawlanaa shirar doceedyo ay kaga tashanayaan sidii loo kala saari lahaa Guddomiye Biixi iyo Wasiir Samaale.
 
 
 
Guddiyadan ayaa kulan la yeeshay toddobaadkan Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, oo ay ka dhagaysteen doodiisa iyo damaciisa. Muuse Biixi ayaa la sheegay inuu kulanka kasheegay inuu yahay qofka ku haboon ee noqon doona murashaxa marka uu Madaxweyne Siilaanyo jagada banneeyo, maadaama oo uu isagu hore ugu dhawaaqay inuu yahay murashax, inkastoo markii dambe uu uga tanaasulay Madaxweyne Siilaanyo. Muuse Biixi ayaa la sheegay inuu guddida u ballan qaaday inuu aqbali doono go’aanka ay soo saaraan, balse Guddidan ayaa la filayaa inay Todobaadkan kulan la yeesheen Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Samaale.
 
 
 
 
Si kastaba ha ahaatee Madaxweyne Siilaanyo ayaa isagu xiligii uu ka soo laabtay Shirkii lagaga hadlayay Ganacsiga iyo Maal-gashiga waxa uu Warbaahinta u sheegay in aanu jirin meel uu kaga tanaasulay Musharaxnimadda Madaxtinimadda ee Xisbiga KULMIYE, iyadda oo laga dhur-sugayo waxyaabaha ka soo baxay loolankan la sheegay inuu dib ugu dhex-bilaabmay Guddoomiye Muuse Biixi iyo Wasiir Samaale.
 
 
 
 
Halkan ka daawo.
 

 
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.