Dawladda Itoobiya oo waftigii ugu miisaanka cuslaa u soo dirtay Somaliland

Hargeysa(Berberanews):- Wefti ka socda dawladda Itoobiya oo uu Wasiirka Maaliyadda Federaalka Itoobiya hoggaaminayo, ayaa gelinkii dambe ee maanta Booqasho shaqo ku yimi magaalada Hargeysa ee Caasimadda dalka Somaliland, Weftigaas oo si heer-sare ah loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Cigaal ee Hargeysa, waxaana Xubno ka ah Wasiirro kale.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxmaed Biixi Yoonis oo Saxaafadda kula hadlay qolka nasashada Madaarka Cigaal ee magaalada Hargeysa, ayaa shegay inay Weftigan ka wadahadlayaan arrimo la xidhiidha xoojinta xidhiidhka labada dawladood, isticmaalka Dekedda Berbera ee dawladda Itoobiya, Dhismaha Waddo isku xidhi doonta Berbera iyo Itoobiya iyo sidoo kale, qorshaynta Jid Tareenku maro oo laga hirgeliyo inta u dhaxaysa Berbera iyo Addis Ababa.

wefti3 wefti2

Sidoo kale, Hoggaamiyaha Weftiga dawladda Itoobiya ahna Wasiirka Maaliyadda dalkaas Axmed Shafiiq oo isaguna Saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay inay booqashadiisani tahay tii ugu horreysay ee uu ku yimaadda Caasimadda dalka Somaliland ee Hargeysa, isla markaana uu aad ugu faraxsan yahay, una socdaan ka wadahadalka iyo isla-eegista hawlo shaqo oo muhiim u ah dalalka Ethiopia iyo Somaliland.

Haddaba,  Warbixinta Masuuliyiinta dawladaha Somaliland iyo Itoobiya, iyo sidada loo soodhaweeyey Weftiga ka socda Itoobiya ka Daawo Muuqaalkan Hoose.