Golaha Amaanka Oo Ku Baaqay In Kordhiyo Tirada Ciidamadda La Dagaalanka Budhcad-badeedda

Hargeysa (Berbera news) Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay xoojiyaan dadaalka lagula dagaalamayo budhcad-badeeda xeebaha Soomaaliya, iyagoo ku boorriyay inay marakiib dheeraad ah u diraan xeebaha Soomaaliya, si amniga badweynta Hidinya loo adkeeyo.
 
 
 
 
Xubnaha golaha ammaanka Qaramadda Midoobay ee 15-ka ah ayaa carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay inay cadaadis xooggan la saaro kooxaha budhdhadbadeedda ah, iyagoo sidoo kale ugu yeedhay dalalka kale ee caalamka inay qaybtooda ka qaataan la-dagaalanka budhcdbadeedda dhaca gaysta, isla-markaana ay ciidammo ku biiriyaan kuwa hadda ku sugan xeebaha Soomaaliya.
 
 
 
Golaha ayaa muujiyay walaaca ay ka qabaan budhcadbadeedda Soomaaliya, inkasta oo ay hoos u dhac weyn uu ku yimid falalkii budhcdadbadeedda ay ka gaysan jireen xeebaha Soomaaliya labadii sano ee las oo dhaafay.
 
 
 
“In kastoo falalkii budhcadbadeedda hoos loo dhigay kaddib daddaallo wadajir ah oo ay ku bixiyeen Maraykanka iyo waddamo kale dagaallada lagula jiro kooxaha burcadbadeedda ah iyo sidoo kale afduubyo tan iyo sannadkii 2011-kii ay burcadbadeeddu ka wadeen xeebaha Soomaaliya,” ayaa goluhu ku yidhi qoraal uu soo saaray.
 
 
Sidoo kale Goluhu waxa qoraalkiisa ku yidhi. “Waxaan aad uga walaacsan-nahay khatar ah in kooxha burcadbadeedda ah ay dib isku soo abaabulaan ayna mar kale khatar geliyaan ammaanka badaha Somalia ayna waxyeello gaadhsiiyaan maraakiibta samafalka wada iyo badmaaxiinta la socda intaba.”
 
 
 
Golaha ammaanka ayaa sidoo kale walaac xooggan ka muujiyay budhcad-badeedda ku sii kordhaya xeebaha galbeedka badwynta Hindiya iyo kuwa kale ee ku xeeran. Waxaana Golaha Ammaanku uu soo dhaweeyay dadaalka ay kula dagaalamayaan budhcadbadeedda dalalka, Shiinaha, Hindiya, Jabaan, Iiraan, Koonfurta Kuuriya iyo Ruushka oo ay maraakiib dagaal kaga sugan yihiin Badweynta Hindiya.
 
 
 
Ugu dambayn Golaha Amaanku waxa uu sheegay in budhcadbadeeddu ay ka heleen afduubyada ay geystaan lacag ka baxan 18 bilyan oo Doollar, iyagoo xusay in budhcadbadeednimadu ay sababtay hoos u dhaca weyn ee dalxiiska dalal ku yaalla gobolka Bariga Afrika.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.