HALKAN KA AKHRISO Gabay Uu Axmed-Siilaanyo U Tiriyey Tolkii…..Waxaa soo Gabay-dheegay Muj. Cali-Xaraaro

Hargeysa (Berbera news Xirsiyoow Hadaaftaye haddaad naga hulleeleyso,
 
 
Haddaad Caawadaa Gaadhiga hore kasii fuusho,
 
Hal yar iiga gee Habar jeclo markaad hooskii bari gaadho
 
 
Cusaamaa habkii aan u faray hubin warkaygiiye
 
Kol hadaan hugaygii iska rogo soo hamaansadaye
 
Hiin faadhka iga soo baxa waad ku hawisi doontaaye
 
Haweenkaa nagaad baan kula ahaan hirarka shaydaane
 
Hanjabaad iga yeedhanna naftaa haw-ba ka odhane
 
Wadada kaa horeysaa waa midaan lagu hagaagayne
 
Waa wada hub iyo rasaasiyo hilin codaadeede
 
Suug hiririg leeyiyo shilkaha holaca aad yaabto
 
Hawada soo mariyo hawser laba yeedha
 
holaleysi kaa soo gaadhiyo hadal xun mooyaane
 
sheekha habuuraan kuu baryee ilaa hadimo kaa baaji
 
way ii heshiiyeen dhammaan habar magaadluuye
 
Habar Awal iyo arab baa mar qudha heeray magacaye
 
Habar Yoonis baa kasii daran ninkay boqon haleelaane
 
Ciidagale Hayaayday igu hayaan waan ku hadhayaaye
 
Samaroon waxay igu hayaan waanad hada hayne
 
Hartigana waad wada ogtiin inay igu hadaaqaane
 
Hillaab ooyayeey qalbigu wuu I holcanayaaye
 
Kurisigana sidan kuma haysan karo oo waa mid aan hubo’e
 
Soomaaliyana way hoddee hiil masoo dirine
 
Gaaladuna Helloow-dey soo hayeen waygu hodayeene
 
Intaan meeshan laygu helin Hubuqna lay geysan
 
Haddaad Inuun iga naxdaan Holland I gaadhsiiya.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.