Halkee Ayuu Ku Dambayn-doonaa Mooshinka Xukuumaddu La Maagan Tahay Guddoomiye Cirro: Faallada Berbera news.

Hargeysa (Berbera news) Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda iyo Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo ay la kala safan-yihiin Xildhibaanadda Mucaaridka ah iyo kuwa Muxaafidka ayaa waxa muddooyinkii u dambeeyay u dhexeeyay muran Siyaasadeed oo ka soo bilaabmay markii uu Guddoomiye Cirro badhtamihii Sanadka hoos u dhigay awooddaha Guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo labaad ee Golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Yuusuf Axmed, taas oo dhalisay in Xukuumaddu faro-gelin Siyaasadeed ku samayso Golaha Wakiiladda si ay hiil ugu muujiso labadda Guddoomiye ku xigeen ee Golaha Wakiiladda.
 
 
 
 
Khilaafkii xiligaasi curtay ayaa waxa uu saamayn ku yeeshay hawl-maalmeeddkii Golaha Wakiiladda, iyadda oo Ergo iskood isku xil-qaantay oo ka tirsan Golaha Guurtiddu ay dhex-dhexaaddin ka galeen, waxaana Ergadaasi Hoggaaminayay Guddoomiyaha Guddida joogtadda Golaha Guurtidda Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi-wareebe), kuwaas oo maalmo ka dib soo-saaray Go’aamo ay ka mid ahaayeen.
 
 
 
 
In dib looga noqdo awooddaha Guddoomiye ku xigeenkadda Golaha Wakiiladda ee uu xiligaasi hoos u dhigay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda.
 
 
 
In aan la keenin Mooshin xilka lagaga xayuubinayo Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Cabdiraxmaan Cirro.
 
 
 
Balse muddo ka dib waxa dib u soo noqday khilaaf kale oo badhtamihii bishii dhamaatay ee October , kaas oo salka ku haya Xeerka Diwaan-gelinta Madaniga ah oo muran ka dhex-abuuray Xukuumadda iyo Xisbiyadda Mucaaridka, kaas oo Mucaaridku ay ku doodeen in Madaxtooyaddu ay Golaha Wakiiladda u soo gudbisay laba Xeer oo isa-saaran.
 
 
 
 
Waxaanay ku sababeeyeen in uu Carqalad ku noqonayo Doorashadda lagu waddo inay Somaliland ka qabsoonto Sanadka 2015-ka, hase-yeeshee kulan ay Xarunta Madaxtooyadda ku yeesheen Hoggaamiyayaasha saddexdda Xisbi iyo Madaxweyne Siilaanyo 21 bishii September ee Sanadkan waxa lagu sheegay in heshiis wadda-jir ah laga gaadhay Khilaafkii taagnaa.
 
 
 
Muddo ka dib ayaa Madaxweyne Siilaanyo Golaha Wakiiladda u soo gubiyay Xeerka Diwaangelinta Madaniga oo lagu soo lifaaqay Qodobaddii ay Mucaaridku dalbadnayeen in laga saaro si Golaha Wakiiladdu ugu sameeyeen kaabis iyo wax ka badal, waxaana dood ka yeeshay Xildhibaanadda Golaha oo doodaasi ka dib ansixiyeen, hase-yeeshee markii uu u gudbay Golaha Guurtidda ayaa Guurtiddu ay hakisay ansixintiisa oo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Guurtidda Siciid Jaamac Cali oo xiligaasi Warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay in Qodobo khalad ahi ay ku jiraan Xeerka, waxaana arrintaasi ay dhalisay in Muran kale ka dhasho Xeerkan, kaas oo Mudanayaasha Mucaaridka ah iyo kuwa Muxaafidka ahi ay Warbaahinta isku mariyeen eedo, waxaanay arrintasi keentay Xildhibaanadda Xisbiga taladda haya ee KULMIYE aanay ka soo xaadirin fadhiga, iyagga oo sabab uga dhigay in Guddoomiyaha Golaha Wakiiladdu uu qodobo khalad ah ku daray Xeerkan, isla-markaana ku eedeeyay inuu ku talaabsadday Dastuur jabin, halka Mudanayaasha Mucaaridka ahina ay Xukuumadda ku eedeeyeen in ay faro-gelin qaawan ay ku hayso Golaha Wakiiladda, iyadda oo uu welina taagan-yahay khilaafkii oo aan wax xal ah laga gaadhin.
 
 
 
 
Sabtiddii Todobaadkii hore ayaa fadhigii 26-aad ee Golaha Wakiiladda uu dib u dhac ku yimid, balse Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Cabdiraxmaan Cirro iyo Guddoomiye ku xigeenka koowaad Baashe Maxamed Faarax oo Warbaahinta la hadlay ayaa ku sababeeyay in dib loogu dhigay Todobaadka soo-socda oo ku began Sabtidda, hase-yeeshee warar soo baxay ayaa sheegay in Sabtidda Golaha la keenayo Mooshin ka dhan ah Guddoomiye Cirro oo Xilka lagaga xayuubinayo, kaas oo Xildhibaanadda Muxaafidka ahi ay hore ugu hanjabeen inay Golaha keeni-doonaan Mooshinkan ka dhanka ah Guddoomiye Cirro haddii aanu sixitaan ku samayn qodobo ay sheegeen inuu ku darsaday Xeerka Diwaan-gelinta, iyadda oo xogo ay Berbera news heshay ay sheegeen in Xukuumaddu ay Dhaqaale ku bixinayso Mooshinkan ka dhanka ah Cabdiraxmaan Cirro.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.