Khilaafka U Dhexeya Madaxda Somalia Oo Sababay In Denmark Ay Hakisay Qayb Ka Mid Ah Ajandaha Shirka Ay U Qabanayso

Hargeysa (Berbera news) Dawladda Denmark,ayaa hakisay kulan hor dhac ah oo loo qaban lahaa Madaxda Somalia iyo Qurbejoogta Soomaalida ah, kaas oo dhici lahaa maalin ka hor Shirka Somalia iyo taageerayaasheeda caalamku ku kulmayaan 19-ka bishan.
 
 
 
Kulankan oo ku mudaysnaa 18-ka bisha oo ah maalin uun ka hor Shirka Copenhagen, ayaa hakintiisa lagu lagu sheegay sababo Amni. “Waxaanu hakinnay kulan dhici lahaa 18 Nov, 2014, kaasoo ay isku arki lahaayeen qurbo-joogta Soomaalida iyo madaxda Soomaaliyeed,” ayaa lagu sheegay War ka soo baxay Wasaaradda Khaarajiga ee Denmark.
 
 
 
 
Hakinta Shirkan ayaa la aaminsan yahay inay sababtay Khilaafka Madaxda Somalia u dhexeeya oo dhawaan soo shaac baxay kaasi oo hadda maraya in Baarlamaanku Mooshin ka keeno Xukumadda.
 
 
 
 
Maraykanka ayaa hore u qaadacay Shirka Denmark loogu qabanayo Soomaalida oo lagaga hadlayo dhanka horumarka,amaanka,dib u dhiska iyo arimaha federalka,waxaanu qaadacaadiisa ku sababeeyay khilaafka Masuuliyiinta Somalia. Ingiriiska ayaa isna sidoo kale walaac ka muujiyay Saamaynta Khilaafku ku yeelanayo Shirka Copenhagen ee fooda inagu soo haya.
 
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.