Madaxweyne Siilaanyo Iyo Suldaanka Beelaha Arab Oo Muddo Ka Dib Kulan Yeeshay Iyo Ujeeddadii Uu Xambaarsanaa

Hargeysa (Berbera news) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siillaanyo iyo Suldaanka guud ee Beesha Arab Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Faarax ayaa la sheegay inay shalay kulan yeesheen, kuwaas oo sanaddihii u dambeeyay ku kala arati fogaa Siyaasadda.
 
 
 
Warka ayaa intaas ku daraya in Kulankan qabsoomiddiisa uu ka soo shaqeeyay Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali X. Xasan iyo Siyaasiyiin ay deegaan ahaan ka soo wadda-jeedaan Suldaan Cumar, waxaanay tibaaxuhu intaas ku darayaan in muddo laga shaqaynayay kulan dhex mari laha Madaxweynaha iyo Suldaanka guud ee Beesha Arab.
 
 
 
Sudaankan ayaa sanaddihii u dambeeyay ay Xukuumadda ku kala aragti fogaayeen Siyaasadda, iyadda oo Suldaanku uu eedo kala duwan uu hore Warbaahinta u mariyay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, taas oo laga xusi-karo muran dhuleedkii dhawaan Deegaanka Bali Guuleed ee Gobolka Togdheer ku dhex-maray Beesha Suldaan Cumaro Beel ka soo jeeda Bariga Burco, hase-yeeshee kulankan ayaa la sheegay inuu is afgarad hor dhac ah u noqonayo xidhiidhka Madaxweyne Siilaanyo iyo Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Faarax.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.