Saxafiga Iyo Saxaafadu Waa Astaan Caalamiya.

Saxaafadu waxay soo martay marxaladaha kala duwan ee nolol koritaanka adamigu soo maray oo kale waxaanay marwalba la socotey horumarka iyo koritaanka adamiga iyo fasamada.Newspapers ayaa had iyo jeer a haa aasaaska dhexe ee saxaafada ilaa iyo 1700 waxaase lagu darey magazineska qarnigii 18 aad,waxaa ku xigey radioha iyo televisionka oo ku soo biirey qarnigii 20 aad iyo internetka oo isna ku soo biirey qarnigan 21.ka hore soo bixidii newspaperka waxaa jirey laba qaab oo soo noqnoqda oo newska loo faafin jirey: Qoraal gacmeed (handwritten news sheet) iyo shay kaliya oo dabacadaado wararka ah. Kuwana waxay ahayeen kuwo si wada jira u jiray.Boqortooyadii Romanka ayaa daabacday Acta Diurna(Daily Acts) ama faafinta rasmiga ah ee dawlada wakhti uu amray Julius Caesar ku dhawaadkii 59 ACBC. Dabacadahaasi waxay ahaayeen kuwo ku xardhanaa biro ama dhagxan waxaana la dhigi jirey meelaha dadweynahu isku yimaadaan.
 
 
 
China ayaa soo saarijirtey warar (news sheets) oo lagu magacaabi jirey Tipao taas oo inta badan isticmaali jireyn saraakiisa maxkamaduhu gudahooda wakhtiyadii dambe ee Han dynasty (2nd and 3rd centuries AD). Warsidayaashani dhamaantood maygarsisnaynin kuwa casrigaah ee maanta waxaana ay ahaayeen kuwo dawlada ama boqorada uun ku kooban propaganda dooda uun.Waxaa ugu horeyntii 1601 ayey ka bilabmaysaa soo shaacbixii warsidayaasha aynu maanta naqaanaa .Abaarihii qarnigii 15 aad iyo 16 aad ayaa England iyo france bilaabeensoo saarista warsidayaaldhaadheer oo ay u bixiyeen “relations” halka Spaina loogu ugu yeedhi jirtey “relaciones”. Kooxo ganacsatayaal oo iskugu jira Germanyiyo Italyayaa 1400, kii isu dubariday waraqo lagu qoro dhacdooyinka kuwaas oo ku wajahnaa wax soosaarkooda ganacsi. Abaara 1600 ayaa fikirka isticmaalka printing pressku markey uguhoreysey ka soo shacbaxeen Germanyka.Warsidii ugu horeyeyna wuxuu ka soo shaac baxay caasimada iyo magaalooyinka dalkaasi.Warsidii ugu horeyey wuxuu magaalooyinka Germanyka soo shaacbaxay gaar ahaan mid week kasta soo baxidiisu ahayd.
 
 
Sanado badan oo isku xig xiga ka dib ayaa qaramada dawladaha ka talin jirey Paris iyo London bilaabeen daabacaada official newsletters ka.1622kii dhexdiisa ayey aheyd markii ugu horeysey magazine todobaadle ah oo ku soo baxa luqada englishka (the first English-language weekly magazine).
 
 
 
Hadii aan intaa ku dhaafno taariikhda kooban ee aynu ku yara dul marey bilowgee saxaafada oo ay ugu horeyeen wararku.
 
Waxaa bal si fudud oo kooban u dul istaagayaa saxafigu waa mid side ah.
 
 
Waa kuma saxafi?
 
 
 
Saxafigu waa qof ka shaqeeya ururinta(collecting), qorida iyo qaybinta wararka iyo macluumaadka kale ee hadda socda.Shaqada Suxufiga waxaa loo yaqaanaa saxaafada (journalism).Suxufigu wuxuu noqon karaa mid guud oo ka warama arimo badan oo kaladuwan amawuxuu noqon karaa mid khaas ku ah mawduuc gaara,tusale wariye u khaas falaqaynta ciyaaraha, wararka caalamiga ah, jawiga(weather), caafimaadka, mid khaas ku ah arimaha siyaasada IWM.
 
 
Saxafugu waa mid door ku leh nolosha caalamka oo dhan waa mid heegan ugu jira sidii layskaga war qabilahaa,oo kolba wararka cusub ee darayga ah u soo gudbin laahaa.Hadii uu yahay reporter,Sawir qaadee,intaas wuxuu ku jiraa orod oo tooj ayuu la daba taagan yahay warwarka iyo arimaha qorsoon ee aaney caalamku ka warqabin si uu ugu soo gudbiyo,waa mid dagaal kula jira dulmiga,eexda,takoorka, kal sareynta, musuqa, khiyaamada,waa mid saaxiib kiisu yahay dulmanaha,iyo dhibanaha.Suxufigu waa midku timaaman geesinimo iyo naf hurnimo xaqa kama boqo soo gudbintiisa, waa mid ilaaliyaha xadka saxaafada oo aan cidna garabka saarin ee sheega uun wixii xaqiiqa ee jira, wuxuu adeegsadaa cadeymo lagu qanci karo,fikirkiisu waa run ka hadal kana an tilmaamayaa waa saxafiga dhabta ah ee gaasiga ah ee inta badan loo dhibaateeyo maxaad runtau sheegaysaa. Kalitalisyadu aad bay u neceb yihiin saxafiga geesiga ah ee xaqiiqada qayaxa, way xidhaan ama waabey dilaan. Guud ahaan saxaafad aan helin saxafi geesi ah ma guuleysato. Waa in saxafiga wanaagsan ee dalkeena lataageeraa saxafadana la ilaaliyaa, sharcigeedana uu noqdaa sharciga saxaafada ee dastuuriga ah.Saxafiga waa in aqoontiisa kor loo qaadaa oo uu helaa qalab iyo waxbarasho dheeraad ah.Saxafiga Somalilanderka ah waxaa ku waajib ah isna in uu ilaaliyo danaha wadankisa ee muhiimka ah iyo wadajirka umada.Saxafad xora oo aan dan shaqsi u adeegini waa tiirarka horumarka qaranka. Saxafiga Somaliyeed waa inuu qoraaladiisa ku daraa wararka ku saabsan ganacsiga,caafimaadka, waxbarashada, iyo qoraalada kale ee aanu xooga saarin uu dhigaca siyaasda oo kaliya taasi waa iga talo uun.Dhinaca saxaafadaha kala duwan ee ka hawlgala dadka afka somaliga ku hadla waa ay kala horeeyaan xaga tayada,dhexdhexaadnimada, runsheegnimada,ilaalinta anshaxa saxaafada,geesinimada,daacadnimada iwm.Lama wada simi karo ururada saxaafada waxaan u soo jeedinlahaa in sanadkiiba halmar la kal saaro saxaafada guud ahaan tan madaxa banaan iyo tan dawladaba loona sameeyo gudi qiimeysa oo siisa Abaal marin saxafiga iyo saxaafada dadaalka muujisay.
 
 
 
 
Mahadsanidin
M J Farah.
*********************************************************************
Berbera news marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda iska leh.