Warbixin: Hay’adda WHO Oo Shaacisay Tiradda Dadka U Geeriyoodda Cudurka Ebola

Hargeysa (Berbera news) Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegaysa in tirada dadka u dhintay Ebola ay gaadhay 5160, iyadoo 14,000 oo kiisna la xaqiijiyay.
 
 
Warbixinta ugu dambaysay ee WHO ayaa soo jeedineysa in tirada kiisaska cusub ay hoos u dhacday qeybo ka mid ah dalalka Guinea iyo Liberia, balse ay weli sii socoto xowliga uu ugu fidayo dalka Sierra Leone.
 
 
 
Dhinaca kale WHO aya sheegeysa in kiisas hor leh iyo dad dhimanayo ay ka jirto dalka deriska la ah ee Mali, halkaas oo kiiskii ugu horeeyay lagu arkay bishii hore.
 
 
 
Waxaa jiro calaamado muujinaya in dagaalka lagu yareynayo Ebola uu waxtar yeeshay.
Deegaanka Lofa ee dalka Liberia, hadda hoos ayey u dhacday dadka qaadaya caabuqa. Balse, meelaha kale muuqaalka rajada aad ayey u hooseysaa.
 
Deeganka Lofa ee Liberia oo ay yaraatay kiisaska cusub.
 
Caasimadda dalka Sierra Leone ee Freetown, WHO ayaa sheegaysa in Ebola uu aad ugu fidayo.
Hay’adda ayaa tilmaamtay in baahida dhaqaalaha lagu yareenayo cudurka inaan weli laga jawaabin oo aan la bixin.
19 ka mid ah 53-da xaramaha caafimaad ee la qorsheeyay ayaa shaqeynaayo, iyadoo loo baahnaa 370 qof in loo tababaro duugta dadka u dhinta Ebola, waxaana shaqeynayo 140 ka mid ah dadkaasi.
 
Dhanka kale seddaxda qof ee cusub ee Mali ugu dhimatay Ebola ayaa aad looga walbahaarsan yahay.
WHO ayaa dooneysa in shaqaale badan la tababaro
Kiisaskan cusub xiriir lama lahan kii ugu horeeyay ee dalkaasi lagu arkay, kaas oo ahaa gabar laba sano jir ahayd oo booqatay ehelkeeda ku sugan Guinea dibna ugu noqotay Mali.
 
 
Balse kaas oo kale, kiisaska cusubna waxa ay dalkaasi ka galeen dhanka dalka Guinea, iyadoo dhammaan dadkaasi ay ku safreen gawaarida dad waynaha.
WHO ayaa sheegeysa inay weli rajeyneyso in Mali ay xaddidi karto tirada kiiisaska Ebola.
Hase yeeshee, waxay u baahan tahay in si degdeg ah loo raadiyo dhammaan dadka xiriirka la yeeshay kuwa u dhintay Ebola.
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.