Xukuumadda Oo Ciiddamo Cusub Geysay Xarunta Baarlamaanka Iyo Dareenada Ku Xeeran

Hargeysa (Berbera news) Ciidamaddii ilaaladda u ahaa Xarunta Baarlamaanka Somaliland ayaa maanta la badlay, waxaana la keenay kuwo cusub iyadda oo arrintanina ay ku soo beegmayso Mooshin ay iska kaashanayaan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Xildhibaanadda Muxaafidka ah, kaas oo la sheegay inuu salka ku hayo sidii Xilka looga qaadi lahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo Sabtida Todobaadka soo socda la keenayo Golaha.
 
 
Mooshinkan xilka lagaga qaadayo Guddoomiye Cirro ayaa ka dambeeyay ka dib markii uu olole ka bilaabay Gobolo ka tirsan Somaliland, arrintaasi oo la sheegay in Xukuumadda aanay soo dhaweyn, hase-yeeshee Xildhibaano Mucaaridka ah ee taabacsan Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ayaa la socda dhaq-dhaqaaqyadda Mooshinkan ay waddan Xukuumadda iyo Mudanayaasha Muxaafidk ahi.
 
 
 
 
Halkan ka daawo.
 

 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.