Booqasho ay ku tegeen magaalada Berbera Wefti Culus oo ka socda Dawladda Itoobiya+Sawirro

Berberanews-Sida ay warbaahintuba ka war haysay waxa dalka ku sugnaa weftigii abadi ugu  balaadhnaaa oo ka socda Dalka aynu jaarka nahay ee wada shaqaynta iyo xidhiidhka qotada dheeri inaga dhexeeyo ee Ethiopia, Weftigaasi oo saaka ka kicitimay Caasimada Somaliland ee Hargeysa, waxaa hogaaminayeena wefti culus oo wasiirada xukuumada ka tirsan, kuwaasi oo abaaro 10-kii Subaxnimo gaadhay Gobolka saaxil gaar ahaan magaalo madaxdiisa Berbera, oo ay ku soo dhaweeyeen Masuuliyiinta gobolka saaxil gaar ahaan Badhasaabka Gobolka Fahmi Cabdi Bidaar, Maayarka Magaalada Cabdishakuur Maxamed Xasan (Cidin), Maareeye ku xigeenka Dekeda Berbera Cumar Abokor Jaamac ,  maareeyaha Haamaha Shidaalka Sheekh Saleebaan Siciid Aw Cali, Gudoomiye ku xigeenka Gobolka, Xoghayaha Dawlada Hoose Suhayb, Maamulaha Kastamka Berbera, Maxamed Cabdi Gurxan, masuuliyintaasi oo dhamaantood ku soo dhaweeyey weftiga gobolka hadalo mahadnaq iyo soo dhawayn ahna ka jeediyey kulan nasasho ah oo ka dhacay Xafiiska Maareeyaha dekeda oo uu ku sii sime ka ahaa maareeye ku xigeenka dekeda Cumar Abokor, safar shaqo oo maareeyihii guud dalka kaga maqan yahay awgeed, ka dib weftigaasi waxay ugu horaynba kormeer indha-indhayna ku soo mareen guud ahaan dekeda berbera oo ay socod lug ah ku soo mareen goobkasta oo shaqo ka socoto.

 DSC_0423 DSC_0432 DSC_0435 DSC_0460 DSC_0463 DSC_0465 DSC_0472 DSC_0473 DSC_0480

Waxa kale oo ay soo kormeereen Dekeda Cusub ee laga hirgeliyey dekedii hore agteeda oo hada dhamaad ku dhaw laguna jiro xaal-xaalkii ugu danbeeyey oo runtii ah mid aad looga shaqeeyey laguna fara-yaraystay kana muuqdo dedaal dheeraada markaad aragto mudada kooban ee lagu dhamaystiray,  noqondoontana deked caalamiya oo wadamada jaarku ay isku halayn karaan isticmaalikaraana wax weynaha ku soo kordhin doonta ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka.

 

Intaasi ka dibna waxa ay kormeer ku soo mareen Haamaha shidaalka berbera iyada oo ay socod dheer ku soo mareen guud ahaan goobaha muhiimka ah ee ay ku tamariso kuna shaqayso wakaalada haamuhu, iyada oo ay warbiximo ka siinayeen weftiga Maareeyaha haamaha shidaalka Sheekh Saleebaan iyo Engineer-ada aqoonta u leh xirfadan haamaha mudada dheerna ku soo dhexjiray, kormeerkaasi oo ay barbar socotay hawl shaqo oo baaxad leh oo dib u habayn, balaadhan iyo qurxin lagu sameeyey Barxada weyn ee Haamuhu ku fadhiyaan, oo mudooyinkii u danbeeyey uu ka waday maareeyaha haamaha shidaalku.

 

Iyaga oo uga sii gudbay weftigu dhinaca Som-Gas oo iyada ay mudo 18 Bilood ah ka socotay habaynta iyo kicinta wakaaladaasi balse hada lagu guulaystay dhamaadna ay ku dhaw dahay.

 

Sidoo kale waxa looga sii gudbay   socdaalkaasi dhinaca madaarka Berbera oo ay weftigu ilaa Runway-ga soo kormeereen ka dibna ay ku soo laabteen dhismayaasha quruxda badan ee laga hergeliyey gudaha madaarka iyaga oo uu warbixino ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi.

 

Sidoo kale waxa weftiga lagu soo dhaweeyey Guriga Martida ee Berbera oo ay Haweenka Now oo ay wehelinayeen  Dhalinyaro da’a yar oo ku lebisan Calamada Labada Wadan iyo kuwa hidaha iyo dhaqanka Somaliland  ay ku soo bandhigeen ciyaaro dhaqameed aad u raaligelisay weftiga ka dibna waxa halkaasi looga sii gudbay hadhimo sharafeed heersare ah oo loogu talo galay weftiga iyo xubnaha wasiirada ee ku wehelinaayey safarkaasi taariikhiga ah.

 

Ugu danbayna waxa ay weftigu usoo amba-bexeen dhinaca Gobolka gabiley iyaga oo ujeedadooduna ahayd inay soo kormeeraan Wajaale oo ah halka ay labada dal ay ku wadaagaan xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Ethiopia kaasi ah goob ku caana ganacsiga iyo dhaqaalahaba, waana mid ka mid ah xudunta wax soo saarka dhaqaalaha dalka, waana sababta dhalisay inay weftiga miisankaasi lihi ay indhaha ka soo qaadaan.

Xubnaha Xukuumada ee weftiga Dalka Ethiopia ku wehelinaayeeyey Safarka

1.     Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis

2.     Wasiirka Ganacsiga Somaliland Dr. Muuse Qaasim Cumar

3.     Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire

4.     Wasiirka Maaliyada Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale

5.     Wasiirka Madaxtooyada Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan

6.     Wasiirka Hawlaha Guud iyo guryeynta Cabdirisaaq Khaliif Axmed

7.     Wasiirka Duulista iyo Hawada, Mudane Maxamed Xaashi Cabdi

8.     Wasiiru-dawlaha Maaliyada Mudane Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani)

9.     Ambassador Ayaanle Salaax Diiriye

10.                         La taliyaha Xidhiidhka Hay’adaha Caalamiga ah ee Madaxweynaha Amb. C/Fataax Siciid Axmed

 

Dhinaca Weftiga Ethiopia oo ka kooban 12 Xubnood waxay kala yidhiin sidan

1.      H.E Ato Sufian Ahmed, Minister, Ministry of Finance and Economic Development

2.     H.E Ato Workneh Gebeyehu, Minister, Ministry of Transport

3.     H.E. Ahmed Shide, State Minister, MoFED

4.     H.E. Ato Ahmed Tussa, Director, Maritime and logistics services

5.     Dr. Getachew Betru, Director General, National Railway Corporation

6.     Amb. Solomon Abebe, Director General, African Affairs, Ministry of Foreign Affairs

7.     Ato Kokeb Misrak, Director, Bilateral Coorperation, MoFED

8.     Ato Wassihum Abate, Director, Legal Service, MoFED

9.     Ato Bekele Negussie, Deputy Director General Ethiopian Road Authority

10.                        Ato Brigadier General Berhe Tesfaye, Ethiopian Ambassador to the RSL

11.                        Member from the Ethiopia Embassy

12.                        Member from the Ethiopian Embassy

 

Kormeerkaasi gobolada ka dib waxa ay ku soo laabteen caasimada Hargeysa oo ay kulan Casho sharaf ah la yeesheen Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, isaga oo uga mahadnaqay weftiga iyo dawlada Ethiopia sida sharafta iyo karaamada leh ee ay weftigan miisaanka Culus ugu soo direen Somaliland si ay indhaha uga qaadaan horumarka ay ku talaabsatay Somaliland mudooyinkii u danbeeyey, ha noqoto dhinaca ganacsiga, dhinaca nabadgelyada, iyo adeega bulshadaba, isaga oo Madaxweynuhu xog-waran ka siiyey xaalada guud ee dalka iyo ta geeskaba.

 DSC_0022 DSC_0043 DSC_0051 DSC_0081 DSC_0083 DSC_0091 DSC_0095 DSC_0098 DSC_0114 DSC_0124 DSC_0131 DSC_0145 DSC_0193

Xubnaha weftiga oo iyana madaxweynaha, xukuumada iyo shacbiga Somalilandba uga mahadnqay sida xushmada iyo qadarinta mudan ee loo qaabiley looguna soo wareejiyey qaybo ka mida gobolada dalka ayaa ku dheeraaday sida ay ula dhacsan yihiin xaalada guud ee xorumarineed ee ay ku talaabsatay Somaliland iyaga oo shacab iyo xukuumadba ku Hambalyeeyey dedaalka ya gaadheen kuna horumariyeen wadanka Somaliland.