Equatorial Guinea oo marti galineysa koobka Qaramada Afrika

Dalka Equatorial Guinea ayaa marti galinaya koobka Qaramada Afrika ee sanadkan 2015-ka, sida uu BBC u sheegay xiriirka kubada cagta Afrika.

Equatorial Guinea ayaa bedelaysa Morocco oo ka gaabsatay in ay tartanka marti galiso xilliga loogu talagalay, cabsi ay ka qabto cudurka Ebola awgiis.

gunei

Morocco ayaa laga mamnuucay in ay ka qeyb gasho tartanka sanadka soo socda ka dhacaya Equatorial Guinea.

Madaxweynaha xiriirka kubada cagta Afrika, Cisa Xayatu ayaa magaalada Malabo maanta kula kulmay madaxweynaha Equatorial Guinea, Teodoro Obiang, waxaana labada mas’uul ay isku afgarteen in tartanka lagu qabto magaalooyinka Bata, Ebebiyin, Mongomo iyo caasimada Malabo.

Xulka Equatorial Guinea oo horay looga reebay tartanka ayaa ka mid noqon doona 16-ka xul ee ka qeyb galaya tartanka.