iidammada Ammaanka Somaliland, ayaa Xabsiga u taxaabay Xoghayaha guud ee Golaha Wakiillada

Hargeysa(Berberanews):- Ciidammada Ammaanka Somaliland, ayaa Xabsiga u taxaabay Xoghayaha guud ee Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, kaasoo la sheegay inay Ciidammada Ammaanku ka soo xidheen Gurigiisa Caasimadda Hargeysa.

Illaa hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ay Boolisku u xidheen Cabdirisaaq Siciid Ayaanle Xoghayaha guud ee Golaha Wakiillada Somaliland, hase-yeeshee, sida ay Aftahannews u xaqiijiyeen qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Wakiilladu waxa ku dhawaad tobankii habeennimo Xoghayaha laga soo xidhay Gurigiisa, waxaana lagu soo xidhay Saldhigga Dhexe ee Booliska ee magaalada Hargeysa.Xoghayaha

Waxa la sheegay in sababta xadhigga Xoghayaha guud ee Golaha Wakiillada keentay inay tahay ka hadalka Ciidammo Khamiistii shalay la keenay Xarunta Baarlamaanka ee magaalada Hargeysa, gaar ahaan Wakiillada oo lagu beddelay ilaaladii hore ee xarunta, isagoo Telefeshinka Horn Cable uga warramay xalay in Ciidan aan ahayn ciidankii hore oo Ciidanka la-dagaallanka iyo ka hor-tagga argaggixisada ah la keenay Golaha.

Xoghaya guud ee Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, ayaa la sheegayaa in amarka xadhiggiisu ka soo baxay xarunta Madaxtooyada Somaliland oo Booliska ka dalbaday qabashadiisa sida la sheegay