Golaha Guurtidda Oo Hakiyay Mooshinkii Madaxtooyadda Laga Soo Abaabulay Ee Ka Dhanka Ahaa Guddoomiye Cirro

Hargeysa (Berbera news) Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Odayaasha ugu miisaanka Culus Guurtida ayaa ku guulaystay inay baajiyaan Fadhigii Maanta ee Golaha wakiilada ka dib markii ay Ergo ka galeen arintan.
 
 
 
Golaha waxaa fadhiyay Mudaneyaasha Xukumadda taabacsan,waxaana qorshihiisu ahaa inuu furo Gudoomiye xigeenka 1-aad ee Wakiilada Baashe Maxamed Faarax,balse guurtida ayaa codsatay kuna guulaysatay inla hakiyo fadhiga. fadhiga waxaa dib loo dhigay mudo 2 cisho.
 
 
 
 
“Waxaa inoo furmay kalfadhigii 26-aad ee Wakiilada,waxaynu u nimid Mooshin Golaha Horyaala oo ah Maamuus ka xayuubinta Gudoomiyaha, waxaa inoo yimid Shir gudoonkii Guurtida iyo Guddidii joogtada ahayd, waxay inaga codsadeen inaynu mudo laba cisho ah,Bari Axada iyo Isniinta dib u dhigno fadhigan,markaa waxaynu fadhigeenii si caadi ah u furanaynaa salaasadda” ayuu yidhi Gudoomiye xigeenka 1-aad ee Wakiiladu
 
 
 
Guurtida ayaa u adkaysatay Gefef kaga yimid Gudoomiye xigeenka 1-aad ee Wakiilada Baashe Maxamed Faarax oo Guurtida Martida u ahayd miiska u garaacay kuna amray inay uga baxaan Golaha,iyagoo Aakhirkiina Mudaneyaasha la hadlay ka dibna ay aqbaleen dib u dhigista fadhiga Wakiilada.
 
 
 
Dhanka kalena ilaa 25 mudane oo Mucaaradka ah ayaa Shir Jaraa’id ay oo ku qabteen Hotel Emperial ku sheegay in Inqilaab sharci daro ah lagu qabtay Golaha.waxay ku baaqeen in Golaha xorriyaddiisa loo soo celiyo maadaama Ciidamo haystaan.
 
 
 
Waxaa iyaguna badiba Mooshinka ku gacan saydhay XIldhibaanada ka soo jeeda Gobolka Awdal oo Muxaafad iyo Mucaaradba iskugu jira.
 
 
 
 
 
 
Iyadoo loo balansanaa in Kalfadhiga Caadiga ah ee Golaha wakiilada Somaliland si rasmi ah u furmo sabtida Saaaka ayaa Gudoomiyaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro,sheegay inaanu Golaha furayn ilaa Golaha loo soo celiyo Xoriyaddiisa ka dib markii Ciidan lagu wareejiyay Golaha,waxaanu ka maqnaanayaa Gudoomiyuhu fadhiga maanta haddii Muxaafadku furto iyo haddii kaleba.
 
 
 
Guddoomiyaha Golaha wakiiladda Somaliland C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro oo goor dhaweyd shir jaraa’id ku qabtay Hotelka Imperial ayaa war-fidiyeenada u sheegay in laga hor istaagay in uu galo Golaha isla markaana Ilaaladiisa loo hanjabay.
 
 
 
Ciidanka lagu wareejiyay Golaha ayaa si weyn u kala saaraya dadka galaya Al-baabka Golaha,iyadoo la arkayo in Shaqaalaha qaar iyo saxaafadda la celinayo.
 
 
 
Mudaneyaasha Xukumadda taabacsan ayaa la filayaa in abaaro 10:00 Subaxnimo ay furtaan fadhiga,islamarkaana xilka ka xayuubiyaan Gudoomiye Cirro.waxa sidoo kale la sheegayaa inay hogaan cusub u dooranayaan Golaha,iyadoo la hadal hayo in Gudoomiyaha loo doorto Baashe Maxamed Faarax,halka ku xigeena loo dooranayo Xildhibaan Bukhaari.
 
 
 
Dhinca kale Jawiga jidadka soo gala Golaha ayaa ah mid laga dareemayo Ciidamo tiro badan oo iskugu jira Booliska,ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee RRU-da oo gaadiidkooda wata iyo kuwa Asluubta.jidadka dhanka Bari iyo galbeed ka soo gala Golaha ayaa laga celinayaa gaadiidka iyo dadweynaha u socda shaqada iyo kuwa Xaalka golaha ka dhursugayaba.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.