“Golaha Wakiilada Waxaan Leeyahay Maaha In Aad Qaranka Qas-gelisaan” Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa (Berbera news) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed (Siilaanyo) ayaa iska difaacay eedda Guddoomiyaha golaha wakiiladda u soo jeediyey xukuumadda ee uu sheegay inay farrogalin ku hayso golahoodda, waxaanu sheegay in aanay marna suurtogal ahayn inuu farogaliyo golaha Wakiiladda, balse ay u taallo in khilaafkoodda dhexdeedda ka xalliyaan.
 
 
 
Madaxweynuhu wuxuu qaska iyo khalkhalgalinta amniga ku eedeeyey golaha Wakiiladda, isla markaana uu xusay in mar walba khilaaf dhexdeedda ahi uu hakiyo masuuliyiiddii ay qaranka u hayeen.
 
 
 
Madaxweynaha ayaa sheegay in qaskii uu abuuray golaha Wakiiladdu ku geeriyooday hal qof ilaa afar kalana ku dhawacmay, waxaanu tacsi u diray dadkii ay dhibaatadu ka soo gaadhay mudaharaadki dalka ka dhacay.
 
 
 
 
“Waam ka xumahay in ay dhacdo maanta khilaaf iyo shaqaaqo uu abuuray Golaha Baarlamaanka. Waxay Hay’adaha ay khusaysa isoo gaadhsiiyeen in sababtaa awgeed loo dhaawacay ciidamadii ammaanka sugayey, hal qof oo shicib ah ku dhintay, afar qof oo kalena ay ku dhaawacmeen “Qaraabadii iyo eheladii iyo dhammaan shacabka Somaliland waan uga tacsiyaynaa”ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo
 
 
 
 
Madaxweynuhu wuxu canaan usoo jeediyey golaha Wakiiladda oo uu sheegay inay mar walba khilaaf iyo is qabqabsi dhex maro, isla markaana hawlihii qaranka u qaban lahaayeen ilaaween, waxaanu yidhi “Waxaan leeyahay Golaha Wakiilada waxaa idin saaran masuuliyad culus oo bulshadu idinka fadhido, ma aha in aad maalin walba is haystaan oo Qaranka qas-gelisaan, dhammaan waxaa idiin soo gudbiyey Xeerarkii muhiimada Qaranka u lahaa. Xeerkii Ammaanka, Xeerkii Doorashada, Miisaaniyadii Qaranka, Komishankii Doorashooyinnka. Waa khalad in Guddoomiyuhu maalin kasta nagu eedeeyo in aanu farogelin ku hayno Golaha, mana jirto. Shaqada Qaranku idinka sugayo ka hawlgala, idinkuna wixii dhexdiina yaalla wada hadal ku dhammaysta, sharcigana u hoggaansama.”
 
 
 
 
Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu soo dhoweeyey waanwaantii ay galleen golaha Guurtida, waxaanu yidhi “Golaha Guurtida waan ku ammaanaya waxaana ku hambalyeynayaa shaqada ay Qaranka u hayaan, gacanna waanu ku siinayna, waanay ku mahadsan-yihiin”.
 
 
 
 
“Xisbiyada waxaa loo sameeyey in qabyaaladda lagaga baxo, waa nasiib darro in maanta qaarkood ay ka soo baxdo baaqyo qabyaladeed, waxaan leeyahay qarankan waxaad u haysaan masuuliyad, waxaana waajib idinku ah in aad illaalisaan sumcadda, sharafta, iyo haybadda qaranimada.”ayuu hadalkiisa raaciyey.
 
 
 
 
 
 
 
Halkan ka daawo.

 
 
Berbera news/Hargeysa.