Hargeysa (Berbera news) Xisbiyadda Mucaaridka Somaliland ee UCID iyo WADDANI waxay sheegeen inay cambaaraynayaan xadhiga Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiiladda, isla-markaana ka mid ah kuwa Mucaaridka ee Taabacsan Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirr, kuwaas oo qaar ka mid ah Waddooyinka laga soo galo Xarunta Baarlamaanka socod ku soo maray si ay u galaan Xarunta Baarlamaanka. halkaasi oo askartii ku sugnaa waddooyinkaasi ay isku dayeen inay dib u celiyaan, waxaanay arrintasi keentay in Ciidamada Amaanku ay Xabiga u taxaabaan Xildhibaanadaasi iyo qaar ka mid ah saxafiyiin ka hawl-gala Warbaahinta madaxbanaan ee Magaaladda Hargeysa oo ku sugnaa Goobtasi.
Wasiir ku xigenka Amaniga ee Wasaaradda Arimaha Guddaha Cali Maxamed Cilmi ayaa ka hadlay tiradda Xildhinaanadda ay Ciidamaddan amaanku xidheen.
Xadhiga xildhibaanadan ayaa imanaya, iyadda oo maanta ay Xukuumadda Somaliland Ciidamo tiro badan dhigtay waddooyinka soo gala Xarunta Baarlamaanka, kuwaas oo la socday dhaqdhaqaaqa Rabashaddo ka dhaca agagaarka Baarlamaanka, halkaas oo Mudanayasha Muxaafidka ahi ay keenayaan Golaha Mooshin ka dhan ah guddoomiye Cirro.
Halkan ka daawo.
Berbera news/Hargeysa.