Xukuumadda Oo Inqilaab Dadban Kula Wareegtay Xarunta Baarlamaanka Iyo Xildhibaano Xabsiga Loo Taxaaba + Sawirro

Hargeysa (Berbera news) Waxaa goordhawayd xarunta CID- da lagu xidhay wariyayaal ka hawl-gala Warbaahinta madaxbanaan iyo Xildhibaan Ibraahim Mahdi (Buubaa) , Xildhibaan Bashiir Tukaale , Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble iyo xildhibaan Maxamed Saalax oo katirsan golaha wakiilada Somaliland.

 
Xildhibaanadan la xidhay ayaa dhamaantood ah xildhibaanada mucaaradka ah ee ka soo horjeeda mooshin la sheegay in xilka lagaga qaadayo gudoomiyaha Golaha Wakiilada.
 
Img Description
Dhinaca kale waxa ay waraku sheegayaan in wariyayal kale lagu xidhay Saldhiga dhexe ee Haragaysa.
Img Description
 
Xadhiga saxafiyiinta iyo xildhibaanadan ayaa kadanbeeyay markii saaka golaha wakiilada lakeenay mooshin xilka laga qaadayo gudoomiyaha golaha wakiilada.
Img Description
 
Img Description
Img Description
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa