Cali Khaliif Oo Sheegay In Siyaasadda Somaliland Iyo Puntland Ay Wer-wer Ku Hayaan Kooxdiisa Khaatumo

Hargeysa (Berbera news) Hogaamiyaha Kooxdda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh ayaa sheegay in Siyaasadda Dawladda Somaliland iyo Maamulka Puntland ee ku aadan ay wer-wer ku hayso Maamulkiisa maqaar-saarka ah, waxaanu xusay in ay dhibaato ku hayaan deegaanada uu ka soo jeedo.
Prof. Galeydh oo waraysi siinayay Idaacada VOA-da waxa kale oo uu sheegay in uu walaac ka qabo Doorasho Sanadka 2016-ka ka dhacda Somaliya, waxaanu sheegay in Beesha Caalamku ay faro-gelin ku hayso arrimaha Somaliya.



Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Puntland wer-wer badan naguma hayso, balse Somaliland oo ciidamadeeda mar walba soo gelinaysa deegaanadayada ayaa walaac nagu haysa, haddiise faragelin nalaga dayn waayo waxay noqonaysaa inaan wax walba oo awoodayada ah ayaan u adkaysan doonnaa, wax aan kala hadhaynana ma jirto”
 
 
 
 
Prof: Galaydh waxa uu sheegay in uu walaac ka qabo Doorasho sanadka 2016 ka dhacda Somaliya “Anigu wer-wer weyn ayaan ka qabaa in Somalia ay 2016-ka doorasho ka dhacdo, haddii aan khilaafyada yar-yar ee aan waxba soo kordhinayn xal laga gaadhi-waayo, ummadda iyo madaxda dalkuna ay ka shaqayn waayaan sidi ay dalkooda nabad iyo horumar u gaadhsiin lahaayeen,” ayuu yidhi Galaydh.
 
 
 
Cali Khaliif waxa kale oo uu ka hadlay khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha Somaliya iyo Raysal-wasaarihiisa, waxaanu yidhi “Khilaafka waxaa lagu xallin karaa, waayo xildhibaanno iyo wasiirro ayaa jira, iyagaana ummadda masuul ka ah, iyagana wax laga weydiinayaa, waxaase la yidhaahdaa – labaatan Mudug ku dhashay ILAAHAY ceebtiisa ma asturin. Iyaga ayayna u tallaa sidii ay ku xallin lahaayeen khilaafkooda,” ayuu Galeydh ku yidhi waraysiga.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.