“Dalkani Waxa Uu Ku Dhisan-yahay Doorashooyin, Maaha Qabyaaladdu Wax Inta Cid Kursiga Lagaga Qado Cid Kale Ku Fadhiisan Karto” Wasiir Warancadde

Hargeysa (Berbera news) Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde ayaa Bulshada Somaliland uga mahadceliyay waxa uu ugu yeedhay Ilmada Yaxaaska oo Siyaasiyiini ku kicinayeen Bulshada balse Buslhadu dhegaha ka furaysatay.
 
 
 
 
Wasiirka oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Magaaladda Hargeysa ka dib markii uu dalka Shalay galinkii dambe ku soo laabtay waxa uu sheegay in Siyaasiyiinta lagula xisaabtami doono wanaag iyo xumo wixii ay gashadaan “Waxaan aad iyo aad uga xumahay Dhacdadii Shalay ka dhacday dalka ee Qolyaha Mucaaradka ahi ugu baaqeen in hantidii qarankani lahaa ee ahayd Nabada la waxyeeleeyo, anigoo fikirkaygu yahay in Dalkan Xumaan iyo wanaag Nin walba waxa uu gaysto dusha u saarnaan doonto oo lagula xisaabtami doono” ayuu yidhi Mr warancadde.
 
 
 
Wasiirku waxa uu u mahadceliyay Bulshada Somaliland siiba reer Hargeysa “Waxaan jecelahay inaan aad iyo aad ugu mahadceliyo bulshada reer Somaliland,gaar ahaana Bulshada reer Hargeysa oo dhegaha ka furaystay Ilmada yaxaaska ee Siyaasiyiinta qaarkood Bulshada horteeda ka muujiyaan, iyagoo doonaya inay dano u gaar ah ka fushadaan, balse Bulshadu tahay mid Waayo Arag ah oo dhibaatooyin ka soo arkay dhibaatooyin ilmadaas aan qalbiga jirin, markaa aad iyo aad baan uga mahadnaqayaa reer Hargeysa siday uga dhego adaygeen waxaa Baroor diiqda ah ee loola yimid”ayuu yidhi Mr Warancadde.
 
 
 
Wasiirku waxa kale oo Mucaaradka ku Eedeeyay Qabyaalad “Dalkani wuxuu ku dhisan yahay Doorashooyin,Sharci iyo wax ka fog Qabyaalad.qabyaaladu maaha wax dalkan dhaqi kara,mana aha wax Kursi lagu gaadhi karo,mana aha Qabyaaladu wax cid inta Kursiga lagaga qaado cid kale ku fadhiisato, qabyaaladu waa wax fool xun,dalkanina uu ka soo gudbay,markaa waxaan Bulshada ugu baaqayaa Cadawga kaliya ee aynu leenahay waa Qabyaalada iyo Amni darada,markaa waa inaynu iska kaashano oo meel uga soo wada jeedsano”.
 
 
 
 
Wasiir Warancadde,waxa uu ku celceliyay oo Carrabka ku adkeeyay inaanay suuro gal ahayn in cid Kursiga ku fanato Hanaan qabyaaladeed ama Bulshada ku kiciso.hadalka wasiirka ayaa u muuqda mid si dadban loogu durayo Hogaanka Xisbiga Waddani.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.