Guddoomiye Cirro Oo Ka Hadlay Kulan Uu La Yeeshay Ergadda Dhex-dhexaadinta Ee Golaha Guurtidda

Hargeysa (Berbera news) Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro Warbaahintu waxa ka weydiisay kulan uu la yeeshay Ergo ka tirsan Golaha Guurtidda oo dhex-dhexaadin ka gashay khilaafka ka dhashay Mooshinka la doonayo in Xilka lagaga qaado Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ayaa sheegay inay aqbalneen dhinacoodda dhex-dhexaadinta Ergadaasi
 
 
 
“Waxaan farriin ka helay xalay Guddida Guurtidda,taas oo leeyihiin inaanu kulano si aanu uga wada hadalo dhexdhexaadinta ay wadaan, markaas anigu Shakhsiyan waa aqbalay dhexdhexaadintaas, wax kalena kamaanu wada hadal” ayuu yidhi Gudoomiye Cirro
 
 
 
Ergaddan Golaha Guurtidda oo uu Hoggaaminayay Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa shalay hakiyay Mooshin ay Mudanayaasha Muxaafidka ahi doonayeen inay xilka laga qaadaan Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda.
 
 
 
Halkan ka daawo.

 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.