Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex Oo Todobaad Rumaan Ah U Dirtay Xoghayaha Golaha Wakiiladda

Hargeysa (Berbera news) Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, ayaa Maanta la hor keenay Maxakamadda Gobolka Maroodijeex,waxaanay u dirtay todobo cisho oo Rumaan ah. Xoghayaha ayaa gurigiisa ciidanka amaanku habeen hore kala baxay.
 
 
 
Illaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Xadhiga Xogyaha iyo Eedaha loo haysto balse Xeer ilaalinta ayaa la sheegay inay baadhis dheeraad ah ku wado Xogyahaha.
 
 
 
Xoghayaha Wakiilada ayaa u xil saaran Hawlaha Shaqaalaha,ahna hogaamiyaha Shaqaalaha. Mudaneyaal Mucaaradka ka mid ah oo shalay ka hadlay xadhiga xoghayaha ayaa sheegay in xadhigiisu yahay mid qayrul sharci ah islamarkaana aanay ogayn sababta loo xidhay iyo cida xidhatay toona.
 
 
Berbera news/Hargeysa.