“Nin Talaayeey Ay Ka Gaadhay, Gadaal-buu Ka Yimid Oo Dhinaca Maryo-aloolka Ayuu Ahaa Berigii Hore” Wasiir Cukuse

Hargeysa (Berbera news) Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa sheegay in Xukuumadd ahaan ay shacabka ugu baaqayaan inay ka feejignaadaan Siyaasiyiinta Mucaaridka ah oo uu si dadban u sheegay, kuwaas oo aanu magacyadoodda xusin in aanay Bulshadda u horeedin qorshe xasilooni-darro abuuraya.
 
 
 
 
Wasiirka Cukuse oo maanta ka hadlay Munaasibada uu Madaxweyne Siilaanyo xadhiga kaga jarayay waddo cusub oo laga hir-geliyay deegaanka Salaxlay ee Koonfurta Magaaladda Hareysa.
 
 
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Dalkeena waxaad moodaa marka ay Doorashooyin soo dhawaddaan in mid cusubi odhanayo halkanay ku jirtaa arritu oo uu wax dhaq-dhaqaajiyo waa mid aan berigii hore Maryo-alool iyo Maleeshiyo toona ahayn, xanuunka ma yaqaano gadaal-buu ka yimid oo weliba dhinaca Maryo-aloolka ayuu uu ahaa berigaa haddana Maanta ayuu doonayaa inuu qayb ka mid ah Bulshadda Colaad u horseedo dhibaato. Waxaan leeyahay Ninka wanaagsani si wanaagsan-buu wax ku doonaa Dadkaana arka , laakiin Madaxweyne waxaan Dadka hortoodda kugu sheegayaa Deegaankan iyo Shacabkani Nabad-gelyadda cidk kasta oo ka hor-timaadda Garabkaagay is-taagayaan,” ayuu yidhi Wasiir Cukuse.
 
 
 
 
 
Waxaanu intaas ku daray “Dhismaha iyo Qaranimadda Somaliland in aan dib loo celin cidda cududa ugu weyn ee aad isku halaynaysaana waa iyagga, waxaynu walaaladeen (Mucaaridka) u sheegaynaa Nabadda aynu ilaalino , wadda Noolaashahana aynu ilaalino Sharciga iyo Nabad-gelyadda looga gaban maayo Nin talaayeey ay ka gaadhay hadda iyo jeer talaayey haddii aad maqasho waa Qof fulay ah, maaha Qof istaagi-karaya, markaa talaayeey Ninka leh waxaanu leenahay Dadka ka daa Talaayeeydda” ayuu yidhi Wasiirku.
 
https://i0.wp.com/somalilandtoday.com/slt/wp-content/uploads/2014/11/DSC_0404.jpg?resize=502%2C335
 
 
Berbera news/Hargeysa.