Qarax Ka Dhacay Muqdisho Iyo Masuul Ka Tirsan Dawladda Somalia Oo Ku Geeriyoodday + SAWIRRO

Muqdisho (Berbera news) Laba qof oo mid ka mid ah uu ahaa Masuul ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ku dhaawacmay qarax maanta ka dhacay jidka Maka Al-Mukarama ee Magaaladda Muqdisho, iyada oo Masuulka geeriyooday uu lahaa gaardhga uu qaraxu ka dhacay, kaas gellinkii dambe ee maanta u dhintay dhaawicii soo gaadhay.




Qaraxan oo ahaa mid lagu xidhay baabuurka Masuulkan oo lagu magacaabi jiray Mukhaar Dheer oo ka tirsanaa qaybta Baratikoolka ee madaxtooyada, haddana ka mid ahaa xubnaha ka hawlgala garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa ka dhacay agagaarka hotel Wehliye oo ku dhow isgoyska dabka.

Gaadhiga qaraxa lagu soo xidhay ayaa gabi ahaan burburay, iyada oo qaraxuna uu dhacay xilli uu gaadhigu socday waddadu-na ay ahayd mid aad u mashquul badan, iyada oo qofka kale ee uu dhaawaca ka soo gaadhay qaraxan uu ahaa wiil dhallinyaro ah oo waddada marayay.

Waddada ayaa waxa qaraxa kaddib buuxiyay ciidammo ka tirsan kuwa amniga Soomaaliya, iyagoo joojiyay dhammaan isku socodka jidka, waxaana sidoo kale halkaa soo gaadhay ciidamada dabka la dagaalama oo damiyay gaadhiga uu dab ka kacay.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Cali Zeko oo goobta soo gaadhay ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid gaadhiga lagu soo xidhay, balse ay billaabayaan baadhitaanno ay ku baadi-goobayaan kuwii ka dambeeyay qaraxa gaadhiga lagu xidhay.

 
Maalmo ka hor ayay ahayd markii kooxo hubaysan ay toogasho ku dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo Masuulkani uu noqonayo kii labaad oo laga dilo Masuuliyiinta dowladda muddo Todobaad guddihii.


Berbera news/Hargeysa.